Wakiillada iyo Danjirayaasha Beesha Caalamka ayaa waxay u muuqdaan inaysan fahamsaneyn Somaliya iyo Siyaasadaha ay tahay in lagula dhaqmo. Waxay marwaliba ka warwareegaan runta qayaxan waxayna isticmaalan haddallo dipolomasiyadeed oo aan habdhaqanka madaxda uu ku wajahan yahay aan waxba ka badaleyn.
Dadka Somalida oo ay ku jiraan hogaamiyayaasha haddallada maldahan ama diplomasiyadeed waxba kuma qaataan, mana u jixin jixaan, taasina waa sababta keeneysa haddallada ka soo yeeraa beesha caalamkai in aysan ahayn kuwa macna badan sameeya oo la yimaada isbadalka laga filayo.
Tusaale ahaan aynu eegno hadalka ka soo yeeray James Swan wakiilka XGQM una fiirsanno meelo uu dhaliilaha ka leeyahay. Wakiilka waxaa uu yiri:
“Soomaaliya waxa ay la kulantay 2020 caqabado badan, oo ay ka mid yihiin dhinacyada siyaasadda, amniga iyo bani’aadamnimada, iyo sidoo kale Musiibada COVID-19. Isla markaana, waxaa jiray astaamo horumar leh sida deyn cafinta iyo heshiiskii hoggaamiyeyaashu ay ka gaareen hannaanka doorashada ee sannadka 2020-2021.” Qeybtaan dambe ee wanaagsheegga ah waxay barax ka dhigtay hadalka hore wuxuuna u hadlay inay caqabdihii xallismeen. Ma cabsibaa misa waa diplomasiyad iyo raacidda xeerarka bulshooyinka horumaray?
Waxaa kale ee uu yiri “Waa muhiim in dareenka isu tanaasulka, iyo sidoo kale is afgarad iyo wadahadalladu, ay sii socdaan si loo ilaaliyo loona horumariyo guulaha la gaaray,”. Dhammaan guulaha uu sheegayaa shacbiga maanta waxaa uga muuhiimsan in dowladda lagu khasbo inay saxdo guddiga doorashada, heshiiskii September 2020 ma ahayn in dowladda ay sidey doonto wax u soo sameyso waa inay u sameysaa si lagu heshiis yahay mana dhicin.
Wakiil James waa inuu runta abbaaraa oo uu yirahdaa halkaan ayaa muranka ka jiraa ee ha la saxo ama uu iska aamusaa waayo hadallada debecsan ee aan runta taabaneyn waxay ka mid yihiin tallaabooyinka dowladda ku dhiirrigelinaya inay khaladka ku sii socoto. Heshiiskii Dhuusamareeb ma ahayn go’aan iyo awoodsiin dowladda ee wuxuu ahaa bilowga geddisocod (process) lagu soconayo ilaa laga qabto doorashad MW.
Waxaa kaloo uu yiri isaga oo mala awaal iyo mugdi ku nool hadalkaan oo ay ahayd inuu ka xishoodo: “2021 wuxuu noqon doonaa mid muhiim u ah horumarka Soomaaliya,Ammaanka, waxa uu ahaan doona mid ku wareega dowladda Soomaaliya oo iyada ayaa mas’uul ka noqon doonta; dhaqaalaha, waxa ay sii wadi doontaa dib u habeynta si ay u xaqiijiso faa’iidada buuxda ee ay ku guuleysatay ee geeddi-socodka deyn-cafinta…. Sidoo kale tallaabooyin adag oo la xiriira dimuqraadiyeynta dalka, oo ay ku jiraan xoojinta hay’adaha iyo aasaaska doorashooyinka ‘hal qof iyo hal cod ah’ sanadka 2024 -25.”
Ma is weydiiyey Wakiilka sidee looga hadlayaa doorashada 2024/25 iyadoo maanta ay ku egtahay sharciyadda Barlamankii 10aad kii badali lahaanaa uusan muuqan. Wakiilka ma waxaa jira heshiis hoose oo uu ogyahay ama uu qeyb ka yahay oo looga boodayo doorashada 20/21 loogana tashanayo mid cof iyo cod ah ee la qaban doono 24/25?
Runtii Wakiilka iyo dhammaan beesha caalamka ma aha kuwa ka shaqeynaya danaha Somalida, waxaana halka ka muuqata inuu maqaalin u sii dhiganayo 2024/25 aan mugdigaan ku sii jirno. Sannadkaas ma rabno cid ajnabi ah oo na kormeerta ama noo yeerisa waxa la sameynayo.
Dhinaca kale muxuu uga hadli la’a yahay, ugu dadaali la’ayahay si si muuqata sidii loo xallin lahaa is mariwaaga hadda taagan oo ah in dowladda ay rabto inay boobto doorashada kadib markii ay shaqaalaheeda uga soo dhigatay garsoorayaashii u xadi laxaa, una sameyn lahaa qaabka ay rabto.
James hana dhaafo ama ha u hadlo sidii wakiilka EU-da oo aan wali ku xidideysan, qeybna ka noqon xaaladaha marin habaabinta ah ee ay beesha caalamka wado, gaar ahaan US iyo UK ay wadaan oo ah ku hadaaqa doorasho aan la gaarin. James waa kooxda Trump waxaana rajeyneynaa in Joe Biden uu noo soo magacaabo dad dhaama James iyo Yamamoto.