Reading Time: 2 minutes
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
176 days
19 hours
33 minutes
59 seconds

Waxaa kulankii shalay ee Golaha Wasiirada si sharciga baal marsan loogu magacaabay Kulankii sideed xubnood oo kamid ah 9-ka xubnood ee maamulka hey’adda Batroolka Soomaaliyeed, (Somali Petrolium Agency) sida ay shaacisay xukuumaddu ku meel gaarka ah.

Ibraahim Cali Xuseen oo 6-dii sano ee lasoo dhaafay la-taliye ka ahaa wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa guddoomiye looga dhigay xubnaha maanta loo magacaabay maamulka hey’adda Batroolka Soomaaliya. Halka ku xigeen looga dhigay haweenay la dhalatay Fahad Yasin.

Ibraahim Cali & Wasiirka Batrooka Cabdirashiid & Fahad Yasin ayaa ka diiwan gashaday dalka Qatar shirkad ay si wadajir ah saamiley uga yihiin seddexda masuul waxaana sidoo kale shirkadda saami ku laha ganacsato u dhalatay dalka Qatar. Shirkadda ayaa lagu magacaabo AMAANA PETROLIUM.

Waxaa intaa ka sii daran, waxaa Guddoomiye ku xigeen looga dhigay Haya’adda Batroolka Qaranka, haweenay magaceeda lagu sheegay Caa’isha Cusmaan Axmed, Baaritaan ay sameysan MOL ayaan ku soo ogaanay in haweenaydan magaca Caa’isha uu yahay midka ay ku joogto dalka Mareykanka, oo ay hadda degen tahay, balse magaceeda rasmiga ah uu yahay Xalimo-Sacdiyo Saleebaan Xaaji Daahir oo waxaa laba jeer marna ilmo habreed yihiin Agaasimaha NISA Fahad Yasin, marna ay yihiin ilmo adeer oo waxaa wada dhashay labadooda hooyo & labadooda aabe.

Xalimo Sacdiyo Saleebaan Xaaji Daahir, waxaa dhalay hooyo Faadumo Saciid, halka Fahad Yasin ay dhashay hooyo Xaliimo Saciid, waxaana sidoo kale kala dhalay Aabe Saleebaan Xaaji Daahir oo dhalay Xaliimo Sacdiyo Saleebaan Xaaji Daahir, halka uu Fahad dhalay Yaasiin Xaaji Daahir.

Musuqa iyo ku tagri falka Fahad Yasin ayaa noqday mid xargaha goostay, waxaana marag maddoonta ah maanta in dalka uu geliyay xaalad aad u adag oo laga cabsi qabo in siyaasadda Fahad uu dalka ku wado ay isku bedesho mid watada dagaal sokeeye.

Sideeda xubnood ee maamulka hey’adda Batroolka Soomaaliya ee sida sharci darrada ah loo magacaabay loona ansixiyey ayaa kala ah:

1 –Ibraahim Cali Xuseen (Guddoomiye)
2 -Caa’isho Cusmaan Axmed (Guddoomiye ku-xigeen)
3 –Ibraahim  Axmed Leyte (Xubin)
4 –Cabdulqaadir Aadan Maxamuud (Xubin)
5 –Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed, (Xubin)
6 –Axmed Xaaji Cabdi (Xubin)
7 –Cabdixaafid  Cali Dirir (Xubin)
8 –Iyo Mahad Maxamed Sheekh Xasan (Xubin).