Fahad Yasin oo si farsameysan usoo afjaray awooda siyaasadeed RW Rooble

Reading Time: 2 minutes

Imaatinka Fahad Yasin uu  ku  yimid  magalaada Muqdisho waxa ay dhawaac siyaasadeed oo xoogan gaarsiisay Ra’iisal Wasaare Rooble  iyo kooxaha taageersan. RW Rooble oo wacad ku maray in uu maxkamad soo saarayo Fahad Yasin, isla markaana isku dayay in uu horistaago safarkii Fahaf Yasin ayaa waxa gacantiisa ka sii baxay saameyntii uu ku lahaa siyaasadda Soomaaliya.

Fahad  Yassin oo doonayo in uu tuso RW Rooble in uusan lahayn awood uu kula dagaalo  qorshshiisa ayaa waxaa uu durbadiiba Muqdisho uu ka abaabulay shirar lagu sii dhawacyo Rooble. Dad badan ayaa rumeysan in RW Rooble ay godkiisa biyo ugu galeen, fursada kaliya ee uu haystaana  ay tahay in uu  meel mariyo dacwada Ikraam Tahliin , taas oo si dadaban u salfan doonto Fahad Yasin iyo saaxiibadiisa..

Dhanka kale, Waxaa weli socda dadaalada lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare RW Rooble. Dadaalada waan waanta ee laga dhex wado Farmaajo iyo Rooble ayaa xalay waji cusub galay, iyadoo dadaaladaas ay hoggaaminayaan Madaxweyne Qoorqoor iyo Guddoomiye Mursal.

Madaxweyne Qoorqoor oo ay wehliyaan Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Carab iyo Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Al Cadaala oo la kulmay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo qodobada waan waanta ee ay isla soo gaareen ula tageen, sidoo kalena kulankaas uu hordhac u yahay in la isku keeno Farmaajo iyo Rooble. Ilo ku dhow dadka waanwaanta wada ayaa sheegay in meel wanaagsan wax marayaan, kulamadoodiina ay horumar ka sameeyeen oo ay soo gaarsiiyeen heer labada dhinac isku soo dhowaadeen.

Kulamadii shalay dhacay ayaa laga helay warar sheegaya in shuruudo ay jiraan sida doodda dhaheysa in Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur loo wareejiyo Arrimaha Gudaha, waana dood xoog leh oo dhanka Farmaajo ka socoto iyo in Bashiir Goobe la geeyo meel kale oo aan aheyn Taliska NISA oo uu Farmaajo keensado qof uu u soo magacaabo.

Sidoo kale Guriga uu Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ka degan yahay Madaxtooyada ayaa waxaa ku kulmay Taliyeyaal ka tirsan ciidanka, sida Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Booliska Gobolka Banaadir iyo Kusimaha NISA ee uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo iyo saraakiil kale.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa daba dheeraaday , iyada oo Beesha Caalamka ay cadaadis ku saareyso in dhinacyada heshiis gaaraan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!