Fahad Yasin oo sabab u noqday fashilkii ku yimid shirkii Garoowe (Sababta)

Reading Time: < 1 minute

Waxaa galabnimadii shalay oo Arabaca ahayd gaaray magaalada Garoowe Fahad Yasin oo la socda diyaar qaas ah uu ka soo kireystay magaalada Nairobi.

Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen MOL Shirka wadatashiga oo go’aan hordhac ah laga gaaray aya markii uu yimid Fahad Yasin waxaa uu bilaabay in uu shirar albaabada u xiran yihiin la galo MW Farmaajo iyo RW Kheyre isagoo markii danbe ku qanciyay in ay dib uga noqdaan heshiiskii hordhaca ahaa ee dhex maray Farmaajo iyo Xaaf.

Milkiilaha MW Farmaajo Fahad Yasin oo leh go’aamada dowladda ayaa ku adkeysanaya in Xaaf aanan la siin karin wax ka badan hal sano oo mudda kororsi ah.

Shirkii wadatashiga ee dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ah ayaa gebi ahaanba burburay iyadoo lagu wado in dhammaan wafuudii joogtay Garoowe aay maalinta berri ah dib ugu noqon doonaan goboladooda.