Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu wali diidan in Ra’iisul wasaare Kheyre uu u ambabaxayo markii ugu horeysay dalka Imaaraadka.
Fahad Yasiin oo ah agasimaha madaxtoyada sido kalane ah sarkaal ka tirsan sirdonka dalka qadar sida kol horeba ay baahiyeen warbaahinta caalamka, fahad aya diidan isku so dhawanshiyaha labada dowladood waxana uu Raisul Wasaare kheyre ku cadaadinaya in safarkasi uu joojiyo.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa hore kaga horyimid diidmada Madaxweynaha wuxuuna sheegay inuu casuumaad ka helay Imaaraadka sidaa darteedna uu u safrayo, arintan ayaana wali wax xal ah laga gaarin.
Safarka Ra’iisal Wasaaraha oo noqonaya kii ugu horeeyay iyado la sheegay in ay ku wehlin doonaan xubno ka tirsan Xafiiskiisa iyo Golaha Wasiirada.
Khayrre ayaa Casuumaad ka helay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Imaaraad Carabta markii ay ku kulmayn Shirkii ka dhacay Dalka Magaalada Davos ee dalka Switzerland waxa uuna aqbalay casuumadii loo sameeyay.
Agaasimaha madaxtooyada soomaaliya Fahad Yasiin oo inta badan bixiya amarada ka imada madaxweynaha,aya weli waxa meshi ugu xuma marraya qilaafka xoogan ee kala dhexeyo raisul wasaare kheyre.
Madaxweyne Farmaajo ayaa labo goor oo hore u booqday Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu kula soo kulmay Madaxda iyo amiirada dalkaas maamula, waxayna ka wada hadlayn Arimo khuseeya Soomaaliya iyo Khaliijka Carabta .