Fahad Yasin oo qoraya magacayada Gudoomiyayaasha Degmooyinka

Iyada oo lawada og yahay in Fahad Yaasin qayb wayn ku leeyahay magaacabista Gudoomiyaha  cusub ee Gobolka Banadir Eng Yariisow, kaas oo lagu dooratay in uu yahay shaqsi shaqaale ah oo la adeegsado isla markaana aan lahyn caqli madax banaan ayaa waxa horay loogu magacaabay Gudoomiye ku xigeeno caruur u badan oo aan qaadi karin mas’uuliyadda loo magacaabay. 

Hadaba  Fahad Yasiin waxa uu hadda bilaabay in uu qoro magacayadda Gudoomiyayaasha Degmooyinka kuwaas oo lagu badalayo gudomiyayaashii hore. 

Waxaa nasiib xumo ah in Fahad ka xishoon waayay in uu u dhaafo Yariisoow in uu magacaabo waxa ugu hoose ee uu xaqa u leeyahay in uu magacaabo. 

Advertisements