Ku-xigeenka agaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran ee NISA Fahad Yasiin Daahir ayaa lagu soo waramayaa inuu si daran u xanuunsanaayo, isagoo mudo lagu daaweynayey guriga uu ka degan yahay xamar agagaarka Madaxtooyada.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay in xanuunka Fahad Yasiin uu aad u daran yahay, waxaase dhowrkii maalmood ee la soo dhaafey la isku dayey in loo qaado Dibadda, hase ahaatee wadamo laga codsadey in lagu daweeyo isbitaaladooda ayaa ka gaabinaya in ay ka jawaabaan codsiga Madaxtootada.
Xaaladda Fahad Yasin aya ka sii dareysa walow aanan la ogeyn xanuunka haya nooca uu yahay iyadoo dadka ku dhow qaar ay sheegayaan in laga helay xanuunka dhiig karka.