Fahad Yasin oo lacag ku bixiyay ka hortaga doorashadii Xisbiga ONLF & Fadeexad ka dhalatay

Reading Time: 2 minutes

Xisbiga ONLF ayaa markii ugu horeysay intii la aas-aasay waxa ay horaantii bishaan guddoomiye cusub  ku doorteen gudaha dalka Itoobiya, kadib doorasho ka dhacday degmada Godey.

Ka dib  olole doorasho oo socday mudo bilo ah, ayaa waxaa ugu danbeeyntii Guddooomiye cusub loo doortay Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi (Maadey) oo ahaa xoghayaha  Jabhadda, iyada oo jabhadii  ONLF ay hadda isu bedeshay Xisbi Siyaasadeed oo   ka diiwaan gashan dalka Itoobiya.

Doorashada Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi (Maadey) ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku  dhaqan guud ahaan dhulka Soomaalida, gaar ahaan dhulka ismaamulka Soomaalida ay si qiiro ku jirto u soo dhaweeyeen.  Gudoomiye Cabdiraxmaan ayaa ah shaqsi ay ku dheertahay Soomaalinimada, Soomaalida inteeda badan ay ka rajaynsa Gudoomiyaha cusub in uu isku soo dhaweeyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degaanka Ismaamulka Soomaalida iyo guud ahaan Soomaalida.

Fahad Yasin ayaa isaga oo kaalmo ka dhiganaya Siyaasiga Kenyaanka ah, Farax Macalin laakiin hada  isaga iyo gabdha uu dhalay ay  ka mid yihiin  shaqaalaha  ka shaqeeya Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxa ay isku dayeen in ka horyimadaan doorashada Gudoomiye Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi (Maadey), iyaga oo doonayay in la soo doorto Axmad Yaasin oo ay u arkayeen in uu yahay mid u adeegaya danaha gaarka ah ee ka leeyihiin Degaanka. Waxa ay sidoo kale  doonayeen in Axmad Yaasiin  ku taageero Madaxweyne Farmaajo dagaalka uu kula jiro Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale taageerida Musharax Axmad Yaasin waxa ay awood dheeraada siin lahayd madaxweynaha ku meel-gaarka ah ee dowlada ismaamulka Soomaalida Mustaf Cagjar.

Fahad ayaa waxa uu halkaas geeyay lacag gaaraysa 60 Milyan oo lacagta Birta ee Itoobiyaanka taas oo u dhiganta  labo milyan oo ah lacagta Maraykanka.

Sida ay MOL ku heshay xog rasmi ah lacagtaas ayaa sadax qaybood loo geeyay degeanka Godey, qayb ka mida lacagtaas waxa la soo mariyay Dhowr Xawaaladood ee ku yaale magaalada Wajaale ee ku beegen xaduudda Somaliland iyo Itoobiya, halka qaar kamida lacagtaas gacanta agu geeyay magalaada Addis Ababa, taas oo uu soo qaaday ninka lagu magacaabo Jiis-Mariixaan oo ka tirsan saraakiisha NISA , qaybta u danbeeysana waxaa lagu soo diray xawaalo ka howlgaka gudaha dalka Itoobiya.

Lacagtaas o lagu bixyay si waxa looga badalo natiijada doorashada ayaa hadana waxaa ay xubnihii wakiilada ka ahaa Xisbiga ONLF  si buuxda u taageereen Gudoomiye  Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi (Maadey).

Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga  ONLF oo gaaraya 604 qof, ayaa  codkooda siiyeen C/raxmaan Sheekh Mahdi Maaday, waxa uuna helay 342 halka musharaxii Fahad Yasin watay oo  la tartamayey   Cabdiraxaman ee ahaa Axmed Yaasiin  uu isna helay 251 cod.

Waxaa nasiib xumo u ah Ummadda Soomaaliyeed in Fahad Yasin uu ka shaqeeynayo in uu dhibaato ka dhexdhaliyo dadka Soomaaliyeed meelkastaa oo ay ku nool yihiin. Dowlada Qatar ayaa waxa ay qayb weyn ka qaadatay in fududeeyso burburinta qoowmiyada dadka Soomaaliyeed meelkastaa oo ay aduunka ka joogaan.

Mid ka mida Xubnaha Golaha Dhexe ee ka qayb galay  doorashada ayaa u sheegay MOL in ayan marnaba ka cafin doonin Farmaajo, Kheyre iyo Fahad Yasin dhibaatada au ka maleegeen dhulka ismaamulka Soomaalida iyo kan Soomaaliya dhexdeeda.

Waxa uu yiri .. horay waxa u soo masaafuriyeen Qalbid Dhagax, waxa ay lacag ku bixiyeen in ay burburiyaan Jubbaland, walaahaan ku dhaartay in sadaxdaa nin ay ka shaleeyn doonaan dhibka ay inoo gaysteen, waxa aanu isweydiinaa  hada waa waqtiga laakiin, xashaalilah,  ooyin baa iyaga u danbeeyn doonta.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!