Waxa xalay kulan qarsoodi ah ku yeeshay magalaada Muqdisho Fahad Yasin iyo Cabdikarin Guuleed kaas oo sheegay in uu wakiil uga ahaa kulankaas Ra’iisal Wasaare Rooble. Kulanka xalay oo la isku dayay in laga qariyo saaxiibada Rooble iyo saxaafada ayaa ugu danbeeyntii noqday mid si dadban loo shaaciyay.
Cabdikarin Guuleed oo maalmahan danbe ay wadashaqayn iyo isbaheysi siyaasadeed uu kala dhaxeeyay Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa kulankaas si gaar ah u codsaday. Sida Xogta ay heshay MOL ay sheegayso Cabdikarin Guuleed ayaa kala hadlay Fahad Yasin afar qodob:
- In Fahad uu Madaxweyne ka dhigo Cabdikarin Guleed, uuna u noqdo qorshaha labaad hadii Farmaajo ay la soo daristo guuldaro ama uu tanaasulo.
- In Cabdikarin dhexdhexaadiyo Fahad iyo Rooble, ka dibna culeyska laga qaado kursigiisa oo aan wali si buuxda loo ansaxin
- In uu si buuxda u soo afjaro khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Ra’iisal Wasaare Rooble, taasi soo sahli doonta in Fahad Yasin lagu taageero qorshahiisa uu ku doonayo in uu ku nqdo Gudoomiye ku Xigeenka Baarlaamanka Soomaaliya.
- Cabdikarin Guuleed ayaa sidoo kale u sheegay Fahad in uu dhaqaale ku taageero xaaska Cabdikarin oo doonaysa in ay u tartanto jagada Gudoomiyaha koowaad ee baarlamaanka
Xogta hordhaca oo ay heshay MOL ayaa sheegaya in Fahad Yasin uu ka gaabsaday in uu taageero musharaxnimada Cabdikarin Guuleed isaga oo u sheegay inay adag-tahay in shacabka Soomaaliyeed musharaxnimadiisa la iibiyo. Laakiin waa u carab laalaadiyay oo waxa uu ku yiri aan markale ka hadalano arintaan.
Dhanka kale, Fahad ayaa sheegay in aysan jirin cid is-hortaagi karta in la ansaxiyo doorashadiisa xildhibaanimo, laakiin waxa uu u sheegay Cabdikarin in uusan waxba ka qabin in uu la heshiiyo RW Rooble, laakiin waa in Rooble marka hore uu isaga soo waco oo qirto qaladkii uu ka galay Fahad.
Kulankii xalay ayaa ku soo dhamaaday iyada oo aan go’aan laga gaarin qodobadii uu Cabdikarin la tagay halkaas. Waxaana lagu heshiiyay in markale dib la isugu yimaado. Waxaa muuqata in Cabdikarin Guuleedoo isticmaalaya xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Rooble, isaga oo doonayo in uu dano u gaaro uu ku raadsado.