[Fahad Yasin] oo ka soo jawaabay dalabkii RW Rooble

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yasin Xaaji Dahir ayaa maanta la sheegey inuu kasoo jawaabey dalabkii Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo shaley 48 saac u qabtey in warbixin dhameystiran looga keeno dilkii Ikraam Tahliil oo aheyd gabar dhallinyaro ah oo u shaqeyneysey hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka.

Fahad Yaasiin ayaa dalbaday in la fariisiyo guddiga amniga qaranka, isaga oo sheegay inuu siin doono warbixin ku saabsan kiiska Ikraan.

Fahad Yaasiin ayaa warqadda u diray Rooble, ee uu ku dalbaday fariisinta guddiga amniga qaranka, wuxuu sidoo kale ogeysiin ku siiyey madaxweyne Farmaajo, wasiirka amniga qaranka Xundubey iyo guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal.

Ma cadda sababta Fahad u diiday inuu warbixinta siiyo Rooble, waxaase suurta-gal ah inay tahay qorshe uu xubnaha kale ee guddiga amniga qaranka kaga raadinayo taageero iyo inay ku qancaan warbixinta, taasi oo gees u riixi karta Rooble.

La-taliyihii hore ee amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Macallin ayaa arrintan ku macneeyey ila-meereyso cusub, oo uu Fahad ku doonayo inuu khilaaf uga dhex-abuuro dowladda.

Lama oga sida uu uga jawaabi doono RW Rooble oo muddo 48 saac ah u qabtay in Fahad Yasin uu ku soo gudbiyo xog dhameystiran oo la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo muddo ka badan 70 maalmood la la’ayahay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!