Labadii bilood ee la soo dhaafay waxa ka socday magaalada Muqadishu diiwaangalin garsoon oo lagu diiwaangalinayo arday lagu sheegay in qayb ka noqonayaan barnaamij loogu yeeray “Mustaqbalka Hogaanka Dalka”. Diiwaangalinta oo uu fakarkeedu lahaa Fahada Yasin ayaa waxa ay ka mid tahay qorshooyin uu doonaayo in uu ku abuuro kaadiriin loo adeegsado qorshaha 2020.
Diwaangalintaan ayaa waxa ay daba socotaa barnaamij ciidamo gaar ah oo madani ah loogu sameeyay degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Banaadir kuwaas oo si toos ah uga amar qaadanayo hogaan qarsoon oo ay sameeysteen Fahad Yasin iyo Xasan Kheyre.
Diiwaangalinta ardayda ayaa waxaa sidoo kale loogu talagalay in lagu baaro lagulana socdo ardayda xiriirka la leh mucaaradka dowlada ama loo arko in ay la shaqeeyaan xoogaga ka soo horjeeda Farmaajo iyo kooxdiisa. MOL ayaa loo xaqiijiyay in arday badan laga soo qab-qabtay qaar ka mida Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir kuwaas oo qaarkood saacado xirnaa halka qaar kalana ay maalmo u xirnaayeen Fahad Yasin iyaga oo lagu eedeeyay in ay la shaqeeynayeen mucaaradka dowlada.
Farmaajo ayaa cabsi badan in hogaamiyaan mucaaradka ay ka dhex sameeysteen Dugsiyada Sare ee ku yaala magaalada Muqadishu kaadiriin kuwaas oo si fudud u abaabuli kara kacdoon ka dhan ah Farmaajo iyo kooxdiisa.
Diiwaangalinta ardayda ayaa waxa ay u suuragalinaysaa Farmaajo iyo kooxdiisa in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa ardayda isla markaana ay soo sheegaan ardayda looga shakiyo in ay la shaqeeyaan ama la xiriiraan mucaaradka dowlada iyo qorshooyinka ay damacsan yihiin.
Talaabada uu Fahad Yasin ka bilaabay Dugsiyada Sare ayaa waxa laga soo minguuriyay dalka Suudaan oo intii ka horeeysay kacdoonkii sanadkaan horaantiisa ka dhacay dalkaas ay nabadsugida dalka Suudaan u istcimaali jireen ardayda dugisayada Sare iyo kuwa Jaamacadaha dhibta ka hortaga kacdoon ka dhaca dalka gudihiisa.
Hogaanka ardayda la diiwangaliyay ayaa waxa la qorshaynayaa in loo qoro guno joogta ah oo la siinaayo bishiiba mar. Waxaa sidoo kale loo sameeynayaa gudiyo xiriiriya ardayda iyo dowlada, gaar ahaan xaruumo ay keenaan xogta laga soo ururiyo Dugsiyadda Sare iyo guud ahaan magaalada Muqadishu.
Talabadaan iyo talaabooyin kale oo laga wado degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Banaadir ayaa tusaale u ah qorshaha fog oo uu doonayo Farmaajo in uu ku qabsado dalka gaar ahaan magaalada Madaxda Soomaaliya ee Muqadishu.