Fahad Yasin oo dib u furay xabsiga Jilicow & tacaddiyo badan oo ka dhacay

Reading Time: < 1 minute

4tii Luulyo ee sanadkan 2019 waxaa dib loo furey xabsiga ugu xun ee dadka sida tooska ah loogu cadaabo ee loo yaqaano godka jilacoow, xabsiga waxaa la amray in la xiro gebi ahaantiisaba sida ay codsadeen hay’adaha xuquuqda aadanaha ee ka howlgala soomaaliya iyo Human rights watch.

Hase ahaatee ku-simaha hay’adda Nabadsugida dowladda federalka ah ee NISA Fahad Yaasiid ayaa dib u furay xabsigaasi isagoo u isticmaalaya falal aargoosi u eg, bishii July ilaa hadda bishan August waxaa xabsiga lagusoo xiray dad lagu qiyaasay ilaa 360 qof oo u badan dad rayid ah oo ka shaqeysan jiray ganacsiga yar yar, dhaliyaro aan qaar gaar aheyn iyo dumar uur leh oo cadaalad helin in mudo ah.

Dadka degan guriyaha u dhaw dhaw xabsiga ayaa waxaa ay MOL u sheegeen in habeen walba ay maqlaan jir dil iyo aad u daran oo lagula kacaayo dadkaas maxaabiista ee ku xiran godka jilacoow ee magaalada muqdisho.

“Waa murugo Subax walba waxaad arkeysaa hooyooyin iyo aabayaal ku hor ooynaaya xabsiga hortiisa ayuu yiri mid ka mid ah Saraakiisa hay’adda Sirdoonka ee qeybta godka jilacoow”