Agaasimihii Hore ee hay’ada Sirdoonka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa saaka ka soo degey garoonka diyaaradah Aden Cadde ee magaalada Muqdisho kaddib markii diyaarad gaar ah ay ka soo qaaday dalka Turkiga.
Dhowr maalin ka hor ayaa ay ahayd markii diyaarad uu saarnaa Fahad Hawada laga celiyay iyada oo lagu celiyay dalka Turkiga. Waxaa la filayaa in uu sheego ama uu Cadeeyo cidii ka danbeeysay dilkii Ikram Tahliil oo isaga loo eedeynayo.