Fahad Yasin oo amar ku bixiyay in la soo qabto ama la dilo Saneey Cabdulle

Reading Time: < 1 minute

Agaasimaha Nisa Fahad Yaasiin ayaa amar buuxa ku bixiyey in la dilo ama hubka lagala wareego Saney Cabdulle oo aagga Kaaraan ku heysta Ciidan Fara badan kuwaas oo maanta dhoolla tus ka sameeyey duleedka Kaaraan, iyagoo sheegay iney dagaalami doonaan haddii la qabto doorasho aan laysla ogoleyn.

Fahad wuxuu Taliska NISA isugu yeeray saraakiisha u qaabilsan howlgaladda, wuxuu yiri “kala doorta in la dilo Saney Cabdulle iyo inaad hubka kasoo wareejisaan xeelad kasta adinkoo adeegsanaya”.

Saraakiishii uu la kulmay ayaa ka biya diiday iney weeraraan Saney Cabdulle, wuxuuse ugu hanjabay Fahad in xilka uu ka qaadayo haddii aysan weerarin Sargaalkaas heysta Ciidamada Hubeysan.

Fahad wuxuu ku taliyey in la weeraro Saney Cabduule, hadhowna Ciidanku ay ku doodaan isagaa billaabay Xabadda.

Isniinta berri ah ee todobaadkan haddii aan la weerarin Saney, isbuucaan gudihiisa ayaa la qorsheeyey in lagula wareego hubkiisa, dagaal kasta oo dhaca iyadoo aan laga fiirsan natiijadiisa.

Dhiigga ayaa ku karay Fahad iyo Farmaajo maanta markii ay arkeen Ciidamadda hubeysan ee dhoolla tuska sameeyey, waana sababta keentay in Fahad iyo Farmaajo wada go’aamiyaan dagaal lala galo Saney Cabdulle.

Hubka Saneyn Cabdulle uu hayo ayaa la iisheegay in uu leeyahay Madaxweyne hore Sh. Shariif Sh. Axmed.