Fahad Yasin iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Cawad oo Addis Ababa ku sugan. Sabab?

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta gelinkii danbe soo gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin.

Sida ay noo sheegeen ilo xog-ogaal ah safarka Wasiirka iyo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yasin aya waxa uu salka ku haya in ay ka codsadan dowladda Itoobiya in ay ukala dab qaaddo Soomaaliya iyo Imaaraadka. Waxa sidoo kale ay gogol xaar u yahay safarkan iyadoo lagu wado in RW Kheyre uu dhawaan safar ku tagi doono magaalada Addis Ababa. Safarkan oo uu muddo ku howlanaa qaban qaabadiisa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Jamaludiin aya hadda soo gaaray gabo gabo walow aana weli loo sheegin RW Kheyre goorta uu iman karo.

Safarkii ugu danbeeyay ee Madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Qatar aya la sheegaya in aanu noqon sidi ay filayeen kooxda Villa Soomaaliya, waana midda keentay in ay raadiyaan sidii loogu kala dab qaadi laha Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Madaxweyne Farmaajo aya raba in uu ku qanciyo Itoobiya iyo Imaaraadka in ay Soomaaliya raalli buuxda ka noqoneyso heshiiskii DP World ee ay si aqlabiyad ah u diideen labada aqal ee Baarlabaanka Soomaaliya. Sharcigaas oo weli hor yaal Madaxweyne Farmaajo aya waxa uu ka biyo diiday in uu saxiixo si uu sharci u noqdo ama ku soo celiyo Baarlabaanka, waana midda keentay in olole weyn lagu qaado oo xilka looga tuuray Guddoomiyihii hore Maxamed Cismaan Jawaari

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!