Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay warsidaha Muqdisho Online ayaa sheegayacin Xuseen Cusmaan Xuseen oo loo yaqaano (Ololkuus) uu xalay saqdii dhexe u yeeray Madaxweyne Farmaajo, isagoo ku wargiyey in loo magacaabayo Taliyaha Nabadsugida Qaranka. Madaxweynaha iyo Xuseen ayaa mudo saacad ah wada joogay, wuxuuna waydiiyey su’aalo dhowr ah, iyo balamadii uu la soo galay Fahad Yaasiin.
Xuseen Ololkuus oo Sabtigii Nairobi ka soo laabtay ayaa sedex kulan Nairobi kula soo qaaday Fahad Yaasiin. Fahad ayaa Xuseen u sheegay in Xilka ay la rabeen Jaamac oo ahaa ku simaha Nabadsugida, laakiin cadaadis uga yimid dhinaca Maraykanka iyo Ingiriiska ay ku dhici waayeen in ay magacaabaan, maadaama uu ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday hoyga siyaasiyi C/raxmaan C/shakuur. Wuxuu sheegay in dawlada laga dalbaday baaritaan Iyo in xilka laga qaado saraakiishii falkaas ku lug lahayd.
Fahad ayaa Xuseen u sheegay sababta ay Jaamac u rabeen in ay ahayd in uu Fahad kalsooni wayn ku qabay, laakiin danta qaranka darteed loo qaadan waayey.
Xuseen ayaa balan lagu galay qodoba soo socda.
1- In u warbixin joogta ah siiyo Fahad Yaasiin, kalana tashado tilaabo kasta uu qaadayo iyo cid walba uu la kulmo, gaar ahaan Ajnabiga si toos ahna u fuliyo amarad madaxtooyada oo uu san u dabcin ajnabiga.
2- In uusan soo fara gashan Maamulka Qaybta Arrimaha Debeda iyo Amniga Siyaasiyaga ee haatan Madaxtooyada hoos yimaada.
3- In uu wax ka bedelo qaybta la dagalaanka Argagexisada, wadashaqayn buuxdana la yeesho Taliye ku xigeenka cusub ee la soo magacaabi doono, Zakariye Xirsi.
Waxaa maalinta Khamiista lagu wadaa in loo magacaabo taliye ku xigeenka hay’adda NISA, madaxii hore ee amniyaatka Al Shabaab Zakariya Ismail Xirsi oo qaraabo dhow yihiin Madaxweyne Farmaajo. Waxaa si xowli ah ku socda dhaqan gelinta go’aamadii aay magaalada Kismaayo ku gaareen urur Ictisaam kaa soo ahaa in aay gebi ahaanba la wareegaan amniga iyo sirdoonka Soomaaliya