Reading Time: 2 minutes

Guddoomiyaha xarakada Islaax Dr. Cabdiraxman Baadiyow iyo Madaxa Arrimaha Dibadda ee xarakada Ictisaam Faha Yasin aya bilaabay madal lagu mideynaayo labada xarako. Dr. Baadiyo aya booqasho shan maalmood qaadatay ku tegay magaalada Dooxa ee dalka taasoo loogu raadinayo dhaqaalahii lagu qaban lahaa shir weyne ay isugu yimaadaan labada xarako ee Ictisaam & Islaax sida MOL loo xaqiijiyay.

Kooxda Ictisaam ayaa shirar gogol xaar ah ku qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi sanadkii la soo dhaafay waxaana labada xarako ka go’an in xukunka dalka uusan ka bixin gacanta kooxda Ictisaam iyadoo dhanka kale uu Dr Baadiyow isku arko in haddii ay dhacdo in Farmaajo uu socon waayo uu isaga noqdo musharaxa Fahad Yasin.

Shirka labada xarako aya lagu wadaa in uu ka dhaco magaalada Muqdisho dabayaaqada bisha Maarso ee sanadkan 2020.

Dowladnimada Soomaaliya aya waxaa tartan dheer ugu jira ururo islaami ah tan iyo markii xukunka uu iska casilay Madaxweynihii dowladda KMG ee lagu soo dhisay dalka Kenya Korneyl Cabdullaahi Yusuf Axmed (AUN).

Sanadkii 2009 ayaa waxaa talada dalka gacanta loo geliyay Sharif Sheekh Axmed oo ka yimid xarakada Al Sheekh oo ah farac ka tirsan kooxda Itixaad, waxaana afar sano kaddib xukunka dalka la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Inkasto uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aanu ka mid ah ahayn ururada Islaamiga ah waxaa haddana ku hareereysnaa kooxda Damul Jadiid.

Doorashada soo socota ee lagu wado in ay dalka ka dhacdo ayaa waxaa barateenkeed ugu badan uu dhex mari doonaa ururada Islaamiyiinta ah musharaxiintooda waxaana ilaa hadda la ogyahay in ay musharaxiin yihiin.

MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
349 days
21 hours
54 minutes
17 seconds
  1. Daahir Maxamuud Geelle
  2. Cabdikariin Xuseen Guuleed
  3. Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow
  4. Sharif Sheekh Axmed.
  5. Cali Xaaji Warsame

Soomaaliya ma heli doontaa musharax iyo hoggaan ka madax bannaan urur diimeed, maadaama hore loo soo tijaabiyay masuuliyiinta sokeeyaha u ah urur diimeedyada kuwaasoo aan u naxeyn dad iyo dal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here