Fahad Yasin: “C/Karim Guled waxbaa naga dhaxeyso, dowladna horay ayaan u soo wada dhisanay”

Reading Time: < 1 minute

Madxaweynihii hore ee dowlad Goboleedka Galmudug, Cabdikarim Guled oo dhawaalahan  xiriir hoose la lahaa Fahad Yasin, ayaa  hada u muuqda mida banaanka yimid. Fahad Yasin oo la kulmay xildhibaano ka tirsan labada gole  oo uu kala hadlayay doorashada Galmudug ayaa sheegay in isaga iyo Cabdikarim Guled wada shaqeyn ka dhaxeeyso.

Fahad Yasin ayaa sheegay in kalsoonida ka dhaxeeysa isaga iyo Cabdikarin Guled uu yahay mid aan si fudud lagu kala furfuri karin. Cabdikarin ayaan dhankiisa qarsan xiririka qaaska ah ee kala dhaxeeya Fahad Yasin.

Fahad ayuu yiri, “Cabdikarim Guled taariikhaa dheer ayaa naga dhaxeeyso, goaanka ah in Xasan Shiikh aan anaga dhisno oo madaxweyne ka dhigno, aniga iyo asaga kaliya ayaa ay naga soo bilaabatay,  xatii xiligii Farmaajo aan dhisaynay si dadban ayuu noo taageeray,  dowladna  horay ayaan u soo dhisanay, hadana qorshooyin wadajira ayaa inoo socda.”.

Qorshooyinka kawada dhaxeeya labada nin ee uu farta ku fiiqay Fahad Yasin waxaa ka mida  in isaga iyo Cabdikarin aya si wadajira ugu ololaynayaan musharax Qoor Qoor  si  uu noqdo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.

Dad badan ayaa rumaysan in lacagaha uu Cabdikarin Guled ku qaybinayay magaalada Nairobi uu Fahad Yasin u soo dhiibay. Cabdikarin Guled oo labo asbuuc ka hor magalaada Nairobi dalka Kenya safar ku tagay ayaa lagu arkaayay hotelka uu ka deganaa magalaada Nairobi ee Sarena Hotel isagoo lacago ku qaybinayo.  Lacagahaas ayaa la rumaysan yahay in Fahad Yasin ugu  deeqay Cabdikarin.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!