Fahad Yasiin oo Wasiiro Ka Tirsan Xukumada Kheyre Ka Hor IsTaagay Xafiiska Madaxweynaha

Reading Time: < 1 minute

Warar hoose oo aan ka helnay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in fadeexad aan caadi ahayn ay ka dhacday halkaasi.
Agaasimaha Villa Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa isku dayey inuu hor istaago wasiirro damacsanaa iney la kulmaay madaxweyne Farmaajo.

Agaasimaha ayaa u sheegay in madaxweynaha aysan la kulmi karin, xilli ay doynayen in xafiiskisa ay kula hadlaan.

Hase ahaatee waxaa la sheegay in mid kamid ah wasiiradan uu si xoog ah ku dhaafay halkii uu taagnaa Fahad.

Farmajo ayaa markii uu arrintaan ogaaday wuxuu si carro leh ku canaantay agaasimaha oo uu sheegay inuu qalad sameeyay.

Dhacdadan aad ayaa looga hadal hayaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo arrimahan marar badan ay sidan oo kale usoo noqdeen.

Dhawaan odayaal cabasho ah oo doonayay xafiiska madaxweynaha waxa is hortaag ku sameyay Fahad Yassin agaasimaha Villa Somaliya iyago shegay in arintaasi ay tahay mid fool xuma ah waxa ay

halkaasi ka filayen wax ka duwan ay arkayaan madaxweynuhuna uu been ushegay dowladan aysan aheyn dowlad shacab ee tahay mid shqsiyaad danahooda ay ku fushtaan.