Fahad Yasiin Iyo Raii’sul Wasaare Kheeyre oo Malaayiin Doolar Ku Bixinaya Burburinta Maamulka Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Beesha caalamka ayaa qaadacday awood qeybsiga xildhibaanadii ugu dambeeyey oo lugu kordhiyey maamul gobaleedka galmduug ee ka yimid dhanka ahlu sunna tabasho iyo dacwad ay gudbiyeen beelaha qaar oo aad u dhaliilay qaabka wax looqeybsaday.

Dacwada waxaa xaafiiska meachel keating u gudbiyey ugaasyo iyo salaadiin kasoo jeeda beelaha mareexaan waceysle iyo beesha saleeman.

Inta kadib beesha caalamka ayaa dalbatay in 89 xildhibaan ee ahlu sunna ku yimaadaan awood qeybsiga 11 beelood ee daga galmudug,Sidii looqeybsaday kuwii hore ee galmdug ladhisay 2015 kii xiligii dowladii c/kariim xuseen guuleed.

Dhanka kale waxaa maalinta bari ah magaalada gaalkacyo ku wajahan wafdi ay hugaaminayaan wasiir dowlaha howlaha guud iyo guriyeynta axmed qoorqoor siyaasiga axmed shariif cali hilowle iyo ganacsade liibaan shuluq kuwaas laga cabsi qabo in ay wadaan qorshe ka dhan ah maamulka madax weyne xaaf waxey isku maridoonaan magaalooyinka gaalkacyo iyo cadaado.

Waxaana boorsooyinka u soobuuxiyey xasan kheyre iyo fahad yaasiin oo doonaya in ay galmudug markale xasilooni daro siyaasadeed ka abuuraan si ay u mashquuliyaan xildhibaanada beesha habar gidir oo laf dhuun gashay ku noqday fashiliyeyna mooshinkii jawaari.

Kheyre iyo fahad ayaa ku fakaray in ay laba furun dagaal ku furaan xildhibaanada Habar Gidir waxeyna isu sheegeen in aysan halmar difaaci karin xaaf iyo jawaari.

Qidada dagaalkan cusub waxaa shalay lugu dajiyey guriga xildh c/shakuur cali mire oo ay isugu yimaadeen xildhibaano ay ka mid yihiin mustaf dhuxulow dhageey ugaas iyo sen dhagdheer iyo shariif xasan.

C/shakuur cali mire ayaa sidoo kale la hadlay madax weyne ku xigeenka galmudug maxamed xaashi carabeey, In uu soo dhoweeyo lana shaqeeyo wafdiga bari gaalkacyo ka dagi doona.