Fahad Yaasin oo ku sii Jeeda Magaalada Dooxa, si uu soo Qaado Lacagtii Maalgelinta kooxda Shabaab (Sawiro)

Reading Time: 2 minutes

TX NISA Fahad Axmed (Fahad Yaasiin) ayaa waxaa maanta ka ambabaxay magaalada Kampala ee dalku Uganda isagoo ku sii jeeda magaalada Dooxa. Fahad Yaasiin ayaa diyaarad qaas ah shalay galab ku tegay magaalada Kambala isagoo ay safarkiisa ku wehliyeen Cabdullaahi Kullane iyo Cabdixakiin. Waxaa uu magaalada Kambaala ka raacay diyaaradda Qatar AIrways.

Fahad oo ay dacwad kaga furan tahay magaalada Nairobi ayaa waxa uu hadda waddo ka dhigtay in uu diyaarad qaas ah u qaato magaalada Kambaala ee dalka Ugandha. Madaxweyne Farmaajo oo lagu waday in uu diyaarad qaas ah u qaato magaalada Dooxa ayaa waxa shaki soo galay in uu ka qeyb geli doono shirka lagu ballansan yahay ee Qaramada Midoobay, maadaama uu hoggaankiisa Soomaaliya ka geystay xasuuq shacab oo ay fuliyeen ciidanka NISA iyo ciidan u gaar ah Fahad Yaasiin oo lagu magacaabo ciidanka 14 Oktober.

Dowladda Qatar aya oo malaayiin doollar oo laaluush ah ku bixisay sidii Farmaajo uu u noqon lahaa Madaxweyne ayaa weli waxaa ay dhexda kaga jirtaa maalgelinta kooxda Shabaab. Fahad ayaa tagaya Qatar tan iyo markii loo magacaabay TX NISA isago ku guuleystay in ay gebi ahaanba hay’addii sirdoonka ay la wareegeen kooxda Shabaab.

MOL aya ku daba jirta safarka Fahad Yaasiin uu ku tagay dalka Qatar, waxaana idinla wadaagi doonaa dhammaan wixii macluumad ah ee aan ka helno dhagar qabe Fahad Yaasiin iyo kooxdiisa oo ay ka go’an tahay in ay majaxaabiyaan dowladnimada, rabana in dalka lagu wareejiyo kooxda argagixisada ah ee Shabaab.