Warar anu helnay ayaa sheegaya in dowlada qadar ay fartay Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin in uu dajiyo qorshaha guud ahaanba ay kula wareegayan ilaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka.
Qorshahan ayaa looga gol leeyahay in lagula wareego ilaha dhaqaale ee dalka iyado Fahad Yasiin uu hataan diyarinayo qorshahaasi.
Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa marka hore qorshahan u bandhigaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo caano madaadiye u ah si uu uga dhaadhiciyo qaabka lagu socod siin karo.
Goobaha muhiimka ah ee Dowladda Qadar loo gacan gelinayo ayaa waxaa ka mid ah Dekadda Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose,iyo dekeda Hobyo iyo kuwo kale oo badan oo dalka ku yaalo si guud ahnba ay ula wareegan dhaqaalaha dekadahaasi.
Ilaha dhaqaalaha dalka ayaa waxay gacanta ugu jiraan Shirkado shisheeye oo saami culus ku leh,taasi oo sii wiiqeysa Awooda Qaranimada Soomaaliya.