Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Caydiid (Jaamac Barafuun) ayaa dadaal dheer ugu jira sidii uu ugu heli lahaa visaha deggenaanshaha xaasaska iyo carruurta Fahad Dahir Axmed (Fahad Yaasiin) oo dhawaan lagala noqday dhalashada dalka Kenya.
Jaamac Barafuun ayaa ka waayay wax jawaab ah wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga, waxaana warqad codsi ah u diray wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga xafiiska Madaxweyne Farmaajo iyadoo looga codsanaayo in la siiyo xaasaska iyo carruurta Fahad Yasin degenaansho iyo waxbarasho lacag la’aan ah, balse ilaa hadda dowladda Turkiga kama aysan soo jawaabin codsigaas.
Fahad Yaasiin aya dowlado dhowr ah waxa ay ku eedeeyeen in uu xiriir la leeyahay kooxda Shabaab uuna ahaa isku xiraha kooxda Shabaab iyo dowladda Qatar oo maalingelisa kooxda Shabaab.
Fahad Yaasin aya safarkii ugu danbeeyay ee uu u raacay Madaxweyne Farmaajo magaalada Addis Ababa isku dayay in uu halkaa ka sii baxo si uu u tago magaalada Dooxa, balse ay shirkadda diyaaradaha Itoobiya ay ku wargelisay in aanay qaadi karin oo uu magaciisa ku jiro liiska shaqsiyaadka laga mamnuucay in ay rakaab ka noqdaan diyaaradaha (No Fly lis).
Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu Fahad dartiis uga qaato magaalada Muqdisho diyaarad qaas ah oo geyn doonta magaalada Dooxa halkaasoo uu ka sii aadi doono magaalada New York oo ka dhici doono shirka Qaramada Midoobay. Fahad ayaa lagu wadaa in qaab tahriib ah uu Farmaajo ku geeyo magaalada Dooxa si uu halkaa howlo uu ka lahaa uga soo dhameysto kuna sugo Farmaajo marka uu ka soo laabto shirka Qaramada Midoobay halkaaso ay diyaarad qaas ah ku celin doonto magaalada Muqdisho.