Reading Time: < 1 minute

Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa Taliye Cusub u magacaabay Taliyaha Nabadsugida ee Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Agaasime Fahad Yaasiin ayaa waxaa xilka Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir loogu Magacaabay inuu noqdo Yaasiin Fareey, isagoo bedelaya Taliyihii hore ee KMG ahaa ee Ciise Maxamed Ciise.

Taliyaha Cusub ee Nabadsugida ee Gobolka Banaadir ayaa haatan waxaa uu ahaa Madaxii Ilaalada Agaasimaha Hay’adda NISA, isagoo la shaqeeyay Taliyeyaal hore oo Nabadsugid ah.

Ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan Taliyaha Cusub ee la Magacaabay si uu u guto waajibaadkiisa shaqo.