Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo aay Soomaalida badanaa u taqaan jiheeya siyaasadda Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii lagu arkay saaxadda siyaasadda waxaa lagu tuhmayay in uu yahay shaqsi xiriir dhow la leh sirdoonka Qatar, iyo ururka Al Shabaab, isla markaana ah shaqsiga ay dowladda Qatar u marto danaha aay ka leedahay dalka Soomaaliya.
Tan iyo markii uu xukunka dalka ku guuleystay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya waxa soo if baxayay awoodda uu Fahad Yaasiin ku leeyahay Madaxtooyada Soomaaliya. Dadka aad u yaqaan Fahad aya aaminsan in aanu Madaxweyne Farmaajo ku guuleysan lahayn doorashadii 2017 haddii aanu Fahad ka keeni lahayn lacagtii laaluushka ahayd ee la siiyay xildhibaanada labada aqal taasoo cadadeeda lagu qiyaasay in ay ahayd $10 Milyan oo doollar.
Laba usbuuc kaddib markii la doortay Madaxweyne Farmaajo aya wuxuu bartiisa twitterka ku magacaabay in Xasan Cali Kheyre uu yahay RW Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana laba usbuuc kaddib si aqlabiyad ah u ansixiyay RW Kheyre golaha baarlamaanka JFS.
Sida laga soo xigtay saaxiibada Fahad Yaasiin, waxa ay sheegeen in uu ahaa maskaxdii ka danbeysay in Xasan Cali Kheyre loo magacaabo RW dalka, waxaana arrintan kaalin weyn ku lahaa madax sare oo ka tirsan sirdoonka Kenya oo ku qasbay in shaqsigii u qornaa Fahad Yaasiin in uu ka dhigo RW dalka oo ahaa Daahir Maxamud Geelle lagu bedelo Xasan Cali Kheyre, iyadoo shacabka guud ahaan ku noqotay filan waa magacaabista, waayo Xasan Cali Kheyre aya ahaa madaxada ololaha doorashada Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Intaa kuma ekaan ee Fahad Yaasin wuxuu mar kale ku guuleystay in uu magacaabo 70% golaha wasiirada, Taliyaha NISA, Duqa Muqdisho & Taliyaha Booliska. Madaxa Sirdoonka ee NISA oo uu u magacaabay saaxiibkiis Zakariya Ismaaciil oo hore u ahaa madaxii amniyaadka ee kooxda Al Shabaab.
Fahad Yaasiin aya ugu danbeynta isaga isku magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada JFS si uu u sii wato howlahiisa iyo shaqooyinkii uu hayay dowladda Qatar. Waxaa bartamihii sanadkii tagay 2017 uu ku guuleystay in Dowladda Soomaaliya ay garab istaagto dalka Qatar xiisaddii ka dhalatay colaadda wadamada carabta ee Sucuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn oo xiriirka u jaray dowladda Qatar. Waxaa Fahad Yaasiin ay dowladda Qatar ugu abaal gudday in aay siiso Madaxtooyada JFS bishii $3 Milyan oo doollar, taasoo aanan soo marin qasnadda dowladda iyo Bangiga Dhexe.
Ka been abuurka iyo ku xadgudubka sharuucda dalka Kenya? Imisa Baasaboor Keenyaan ah ayuu si sharci daro ah ku qaatay?
MOL oo sameeysay baaritaanno badan ayaa waxaan ku ogaanay in Fahad Yaasiin X. Daahir uu leeyahay afar (4) Jinsiyadood oo kala duwan uuna haysto 10 baasaboor oo kala duwan. MOL aya u suurto gashay in aay hesho baasaboorada uu isticmaalo Fahad Yaasiin qaar ka mid ah.
10 kii sano ee u danbeeysay Fahad waxa uu si sharci daro ah ku qaatay afar baasaboor oo kenyaati ah oo uu siyaabo kale duwan uu ku qaatay. Baasaboorada uu qaatay waxa ay leeyiihin kala duwanaansho dhinacyo badan ah sida , magaca saxda ah ee Fahad, waqitga dhalashada, meesha uu ku dhashay , da’diisa. Baasaboorada qaarkood waxa uu badalan jiray iyaga oo aan gaarin xiligii dhicitaanka. Baaritaankaan ayaa waxaa inooga soo baxday in uu lacag laalush ah ku bixin jiray in uu baasaboor magacii uu doono loogu soo saari jiray.
MOL waxaa ay haysaa cadeeymo isugu jira sawiro, iyo saxiix muujinaya isaga oo istcimaalayo baasboradaas sida sharci darada ah uu ku qaatay. Waxa uu u gafay sharciga Kenya iyo kan Soomaaliya.
Afarta baasboor uu ka qaatay Kenya waxa ay kala yihiin:
1) Basaboor Number: A733739
- Soo baxay: 25/10/2002
- Dhacayo: 24/10/2007
2) Bassboor Number: A139383
- Soo baxay: 07/04/2009
- Dhacayo: 06/04/2019
3) Bassboor Number: A1652093
- Soo baxay: 11/05/2011
- Dhacayo: 10/05/2021
4) Bassboor Number: C024542
- Soo baxay: 6/9/2013
- Dhacayo: 5/9/2023
Fahad oo u muuqada mid ku dheereeya beenabuurka ducumentiga socdaalka ayaa waxaa uu sameeysty magacyo kala duwan iyo kan waalidkiisa. Tusaale waxa uu hooyadiis ku sheegaa dhowr magac oo kala duwan;
- Xaalima Daahir Shiikh
- Duhai Macalin Maxamuud
- Xaliima Shiikh Maxamed
- Xaliima Maxamed Shiikh
- Xaliima Saciid Sheekh
Sida aan ku arkaysid dukamiintiga ku lifaaqwan qoraalkaan waxa uu istcimaalaa magacyo kala duwan oo kala badbadlay si aan loo fahmin howlada jaajuusnimo uu ku jro, waxaa tusaale nooga filan magacyada ku soo baxay 10 baasaboor ee uu ka kala qaatay dalka Soomaliya, keeenya iyo Qatar. Tusaale;
- Fahad Dahir Ahmed
- Maxamed Xaji Xuseen Muse
- Fahad Axmed Dahir
- Fahad Dahir Yaasiin
Waxa sidoo kale uu ku qortaa baasaboradda kala duwan ee uu horay uu qaatay in uu ku dhashay deegaano kala duwan sida, Mandera East, Mandera, Diradabe, Muqadishu. Baaritaanka balaaran oo ay sameeysay dowladda keenya waxaa uu soo saaray in Fahad Yaasiin yahay shaqsi ku shaqeeysta been abuur isla markaana si aan gabasho lahayn uga beenabuuray sharuucda dalka Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.
Dhanka kale Fahad Yaasiin aya si uu wareeriyo waaxda socdaalka dalka Kenya waxaa uu mararka qaar dalka Kenya uu ku soo galaa baasaboor uu leeyahay shaqsi lagu magacaabo Maxamed Xaaji Xasan Muuse baasaboorka numberkiisa yahay S00016907 oo ah baasaboor Soomaali oo ah midka la siiyo shaqaalaha dowladda. Fahad Yaasiin aya mar walba kala kulmaayay caqabada waaxda socdaalka ee Kenya, waayo markii uu saaro fartiisa mashiinka lagu aqoonsado dadka waxaa ka soo baxayay in uu yahay muwaadin Kenyan ah oo baasaboor ku leh dalka Kenya, waxaase uu mar walba bixinaayay laaluush badan waxaana marwalba uu tagayo Kenya halkaa ku sugaayay saraakiil sarsare oo u fududeeynayay Fahad in uu galo dalka.
MOL aya sidoo kale ogaatay mar walba oo uu Fahad u dhoofayo dalka Qatar in uu laaluushi jiray saraakiisha waaxda socdaalka kuna dhoofi jiray baasaboorka dalka Qatar. Baaritaanka ayaan waxaan ka weynay hal mar uu Fahad ku soo galay dalka Kenya baasaboorka Qatar, balse waxaan helnay inta jeer ee uu kaga baxay baasaboorka Qatar dalka Kenya.
Sida ay caadada tahay waxa inta badan lagu yaqaan in aay ku safraan jinsiyado kala duwan dadka basaasiinta ah oo u shaqeeya sirdoon dal kale u adeega ama in uu yahay shaqsi ka tirsan urur argagixiso. Waxaase dadka inta badan aay aaminsan yihiin in Fahad Yaasiin uu labada isku yahay.
Imisa Baasaboor oo Soomaali ah ayuu isticalaamaa Fahad Yaasiin?
Iyada oo la tixraacayo sharciga jinsiyadaha ee ku qoran Dastuurka dalka dalka keenya ee numberkiisu yahay 14 iyo 17 farqada (1) iyo farqada (2) oo qeexayo qaadashada dhalasha Kenya, ayaa gaar ahaan waxa uu ka mamnuucayaa shaqsi kastoo oo haysto dhalashada Keenyanka ah in uusan marnaba qaadan karin baasboor ama dhalasho dal kale isaga oo aan ka tanaasulin dhalashada dalka keenya ama aan u marin sida sharciga ee lagu qaadan karo jinsiyad kale, haddaba Fahad Yaasiin oo markiisii horeba ku helay Baasboorada Kenya si been abuur ah ayaa hadana dhanka kale waxa uu ka qaatay dalka Soomaaliya Baasabooro badan kuwaas uu ku qortay magacyo kala duwan oo been abuur ah si u jahawareeriyo waaxda socdaalka iyo ciidanka amaanka ee dalka Kenya. Baasabooradda Soomaliga oo uu inta badan ku safro waxaa ka mida;
Dublamat Baasaboor oo uu qaatay bishii Juulaay 13keedii ee sanadkii 2017. Baasaboorkaas ugu qoran in uu ku dhashay magaalada Mandhera ee dalka kenya. Sidoo kale waxa uu sheegtay in uu dhashtay bisha Juulaay 19keedii, 1978.
Waxaa kaloo uu haystaa mararka qaarna ku dhoofaa Baasboorka Soomaaliga ee service ee numberkiisu yahay S00016907. Kaas oo ku qoran magac been abuurna oo aay u sameeysay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda Soomaaliya.
Bishii Feberaayo ee 2017 oo ahayd markii la doortay Madaxweyne Farmaajo waxa uu qaatay baasaboor cusub oo Dublamaasi ah oo uu VISA dal ku galka uu uga qaatay Safaradda Sacuudiga ee magaalada Nairobi. Safaaradda ayaa noo xaqiijisay in baasborka ay visaha ku siisay uu ahaa baasaboor saddex cisho ka baxay waaxda baasaboorada ee hay’adda Jinsiyadda ee JFS. Ujeedadiisuna waxa ay ahayd in uu ka mid noqdo wafdiga safarka Madaxweynaha uu ku tagayay dalka Sacuudiga. Waxaa sidoo kale isla waqtigaas loo sameeyay baasboor la mida kan Fahad Yaasiin, Taabid Cabdi Maxamed oo isku maalin visaha dalka ku galka Sacuudiga laga wada siiyay Safaaradda Sucuudiga ee Nairobi.
Haddaba, si uu Fahad Yaasiin u qaldo teknoolajiyada casriga ah ee aay isticmaalaan hay’adda socdaalka ee dalalka hore u maray, ayuu waxaa uu isticmaalay magacyo kala duwan iyo taariikhda dhalashada oo uu isdaba mariyay, wuxuuna sidoo kale sheegtay in uu ku dhastay magaalooyinka Muqdisho iyo Mandheera. Balse baariitaan dheer oo aay MOL sameeysay Ayaan ku xaqiijinay in Fahad Yaasiin uu ku dhashtay magaalada Muqdisho uuna yahay muwaadin Soomaali ah.
Baaritaanadii Dowladda kenya Maxaa ka soo baxay? Tilaabo noocee ah ayaa dowladda Keenya qaadi doontaa?
MOL aya sidoo kale ogaatay sida uu Fahad Yaasiin ku qaatay baasaboorka dalka Kenya, waxaana uu lacag laaluush ah uu siiyay qaar ka mida ciidanka booliska Kenya iyo saraakil ka tirsan ciidanka nabadsugida. Waxaa uu qarash badan siiyay qaar ka mid ah hogaanka siyaasiyiinta Keenyaatiga ah ee laga soo doorto deeganada Soomalida degan tahay, sida Adan Barre Ducaale, Maxamed Junet iyo Faarax Macallin,
Ma aha kaliya in uu laaluusho siyaasiyiinta Soomaalida Kenya, balse waxa uu lacag siiyay nin lagu magacaabo Cabdimajiid Sabiit Rajab kaasoo degan Langaata aqoonsi numberkiisana uu yahay 2392984097. Shaqsigan oo ah muwaadin Kenyan ah aya u fududeeyay laba jeer in Fahad Yaasiin uu laba baasaboor oo been abuur ah ka qaato dalka Kenya.
Sida aan kor ku soo sheegnay, sharciga u degen dalka Kenya ayaanan ogolaaneyn in muwaadiniintooda ay qaataan jinsiyad kale, haddii aay qaataana aay luminayaan midkooda Kenyanka ah. Haddaba Fahad Yaasin waxa uu seddex jeer danbi ka galay dowladda Kenya, isagoo si sharci darro ah afar jeer ku qaatay baasabooro Kenyan ah oo leh macluumaad kala duwan. Marna waxaa uu danbi ka galay isaga oo aan u sheegin in uu leeyahay baasaboor kale oo weliba mid uu yahay diblomaasi dal kale.
Arrintan ayaa waxa ay saameyn ku yeelan doontaa amniga dalka Kenya, taasoo shaki badan laga qabo sida fudud ee loo qaadan karo baasaboorka dalka Kenya. Arrinta ayaa ku abuurtay welwel badan hay’adaha amniga ee dalka Kenya sida fudud ee uu ku qaatay Fahad Yaasiin afar jeer baasaboorka dalka Kenya isagoo weliba ah shaqsi looga shakisan yahay in uu xiriir dhow la leeyahay kooxda Al Shabaab oo amni darro ba’an ka wada gudaha iyo xuduudaha dalka Kenya. Su’aalaha la iswaydiinaya ayaa ay imisa qof oo ka tirsan kooxaha Al Shabaab ayaa iyagana qaatay Baasaboor Keenyaati ah iyaga oo isticmaalayo wadada uu maray Fahad Yassin imisa qof ayuu Fahad Yaasin u sahlay in ay si sharci daro ah ku qaataan baasaboor Kenyaan ah.
Arrintan aya noqoneysa mid wiiqi doonta xiriirka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya haddii Madaxweyne Farmaajo aanu tallaabo ka qaadin. Fahad Yaasiin danbiyada uu ka galay dalka Kenya aya waxay keeni doonta in uu muteysto xarig dheer. Dowladda Kenya aya bilowday olole aay kula dagaaleyso musuqmaasuqa dalkeeda ka jira, waxaana arrintan aay saameyn weyn ku yeelan doontaa mustaqbalka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo hanti maguurta ah ku leh dalka Kenya taasoo la rumeysan yahay in uu ku iibsaday lacagaha deeqaha ahaa la siiyay dowladda Soomaaliya. Waxaa cad danbiyada uu galay in uu ku muteysan karo xarig gaaraya ilaa 50 sano.
[su_slider source=”media: 332851,332850,332849,332848,332847,332846,332845,332844,332843,332842″ target=”blank” width=”660″ height=”580″]Haddaba waxaa dad badani is weydiinayaan waa kuma Fahad Yaasiinka saxda ah? Taariikhda Fahad Yaasiin iyo halka uu ka soo jeedo
Fahad Yasin abahiis waxaa uu ahaa Yasin Xaaji Dahir. Alaha u naxariistee aabihiis waa dhintay. Hooyadiis magaceeda waxaa la yiraahdaa Xaliimo Saciid Xasan. Fahad waxaa la dhashay shan caruur ah, saddex wiil iyo labo gabdhood oo dhammaadtood ka soo jeeda beesha Mariixaan oo uu ka dhashay Madaxweyne Farmaajo
Abahiis marka uu dhintay waxa hooyadiis guursday Shiikh Cabdulqadir Maxamed oo loo yaqaano Shiikh Gardheere oo u dhashay beesha Mariixaan. Shiikh Gardheere ayaa waxa uu ka mid ahaa saraakiisha ururka Islaamiga ah ee Al Itihad. 1996 ayaa waxaa lagu dilay dagaalakii ka dhacay magaalada Buuloxaawo ee Gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya. Dagaalkaas oo u dhaxeeyay Jabhadii SNF oo ka difaaceysay deegaanka Gedo kooxdii islaamiyiinta mayalka adaga ee Al Itihaad. Fahad Yaasiin aya ka mid ahaa dagaal yahanadii ururka Al Itihaad ee ka dagaalamayay gobolka Gedo.
Shiikh Cabdulqaadir Gardheere markii la dilay, Hooyo Xaliimo (Fahad hooyadiis) waxaa xiray jabhadii SNF ee uu hogaaminayay Allaha u naxariistee Jeneral Cumar Xaaji Masale. Hooyo Xaliimo oo mudo kooban ku xirnayd deeganka Gobolka Gedo ayaa la siidayay iyada oo aan wax dhib ah la gaarsiin.
Hooyo Xaliimo markii laga soo daayay xabsiga waxaa ay u soo gudubtay dhanka Degmada Mandhere Kenya halkaas oo ay ka furtay school ama duqsi caruurta lagu tababaro laguna baro diinta. Duqsigaas ayaa lagu magacaabi jiray Umul Muslimiin kaas oo ahaa magac hooyada lagu yaqiinay oo macnaheedu yahay (hooyada Muslimiinta). Dugisga oo looga shakiyay in uu ahaa mid ay maalgaliyeen ururka Islaamiyiinta ee Al Itihaad ayaa waxaa xiray dowlada Kenya iyada oo lagu eedeyay in uu ahaa meel lagu tababaro kooxo argagixiso ah oo khatar ku ah aminga dalka Kenya. Ka dibna waxa ay u soo guurtay Magaalada Nayroobi oo in mudo ah deganayd inta uusan Fahad u rarin dalka Masar oo ilaa maanta aay ku nooshahay.
Been abuurka Fahad & Safaradiisa Muqdisho
Safaradiisa ugu badan ee uu uga soo baxi jiray Magaalada Muqadishu waxaa uu inta badan soo raaci jiray diyaardda Jubba Airways waxaana uu iska ilaalin jiray in uu soo raaco diyaarado kale. Wali ma cada sababta uu diyaaradaas u door biday laakiin saraakiisha Keenyaanka oo qeyb ka ah baaritaankaan ayaa inoo xaqiijiyay in uu jiro xiriir ka dhaxeeyo madaxda diyaraadda Jubba Airways iyo Fahad Yaasin waxaana la malaynayaa in diyaaradda Jubba marka aay u soo safreeyso magaalada Nairobi aay magaca Fahad oo buuxa ayan ku soo dari jirin qoraalka lagu soo qoro dadka soo raaco diyaaradda ee loo yaqaano “Manifesto”. Ilaa laga soo bilaabo sanadkii 2015-2017 inta aan ka ahayn sodaalkiisii uu soo baxay maalintii 01/02/2016, oo uu soo raacay diyaaradda African Express , inta kale waxa uu soo raaciyay diyaaradda Jubba Airways isagoo sidoo kale ka qarin jiray waaxda socdaalka dalka Kenya diyaaradaha kale ee uu soo raaco hadiiba uu soo raaco.
Qatarta amni ee Fahad Yasiin ee dalka Kenya
Dowladda Kenya ayaa u aragto Fahad Yasin in uu khatar ku yahay amniga dalkeeda. Waxaa welwel ku hayo sida uu u dhex galay sirdoonka dalka Kenya isaga oo lacag u istcimaalaya in uu wixii uu doono fushado dalka Kenya Gudaheeda. Dacwada Fahad ayaa waxa macquul ah in aay keento in qaar ka mida saraakiisha ugu sareeysa hay’adaha amniga iyo socdaalka dalka Kenya ay shaqadooda ku waayaan. Dhankale Fahad waxa uu gacan saar la leeyahay Gudoomiyaha Aqlabiyadda baarlamaanka Keenya Mudane Aadan Barre Ducaale kaas oo looga shakisan yahay in uu lacag joogtaa ka qaadan jiray Fahad si u siiyo difaac siyaasadeed. Waxaa ciidanka Booliska Kenya ay bilaabeen baaritaan ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya labadaan shaqsi.
Waxaa baaritaanka dowlada Kenya ee ku saabsan ficilada uu gaystay Fahad Yaasiin dardar galiyay magacaabitaanka Fahad Yaasiin loo magacaabay in ka mid noqdo hogaanka sare ee hay’adda sirdoonka qaranka Soomaaliya arintaan ayaa waxa ay ku abuurtay dowlada Kenya wal wal salka ku hayo labo qodob
- Marnaba dowladda Kenya ma ogolaan doonto in shaqsi haysta jinsiyadda Kenya uu madax ka noqdo hay’ad sirdoon ee dal kale, dowladda Kenya ayaa waxay u aragtaa magacaabitaanka Fahad Yaasiin in uu dhaawac gaarsiin doono sirdoonka dalka Kenya.
- Maadaama Fahad Yaasin uu dhexgalay shaqooyinka sirdoonka Kenya, waxaa dowladda Kenya ka welwelsan tahay in uu Jagada loo magacaabay in uu dhibaatooyin amni darro ugu soo maleego dalka Kenya.
Dowladda Keenya ayaa wado qorshooyin looga hortagayo Fahad Yaasiin isla markaana lagu soo saari doono Maxkamad si loogu qaado dacwad ka dhan ah danbiga uu ka galay dalka iyo dadka Kenya.