Fahad yaasiin oo Hay’adda Nabad Sugida Shaqadeeda Dhinac Kale u Rogay,Ogoow Sababta Iyo Qaabka!!

Reading Time: < 1 minute

Tan iyo magacaabistii fahad yaasiin ee taliye ku xigeenka hay’adda nabad sugida qaranka waxaa soo ifbaxaysay habacsanaan xoogan oo ka dhex jirta taliska nabad sugida waxaa taas loo sababeeynaayaa iney tahay in farmaajo uu isagu qalday hay’ada nabad sugida isagoo u gacan geliyay rag ka shaqeeyo burburinta dalka.

Siyaasiyiinta soomaaliyeed ayaa ka digay dowladda ay burburiso hay’adaha muhiimka u ah jiritaanka dowladdnimada soomaaliya.

Waxaana uu hadalka siyaasiyiinta uu kusoo aadayaa xilli xarumihii muhiimka ahaa hay’adan ay noqdeen goobo la isaga xog wareeysto siyaasada maldahan ee ka socota villa somaliya iyo sidii dadka soomaaliyeed loogu ridi lahaa rajo beel qaranimo

Sikastaba ha ahaatee waxaa muuqata in fahad yaasiin uu rogay nidaamkii iyo hanaankii shaqo ee nisa isagoo u badalay meel looga dodo villa somaliya waxyabaha ka dhaca.