Xog muhiim ah oo laga helay ilo ku sugan Baladweyne ayaa sheegay in qaraxa uu ka soo shaqeeyey Fahad Yasiin, waxaana la leeyahay xataa waxay is arkeen dhowr jeer qofka isku qarxiyey odayaasha dhaqanka iyo musharixiinta dhintay kuwaas oo la sheegay inay aad u diidanayeen boobka kuraasta Baladweyne.
Qaraxa oo lala eegtay maqaayad dhabarka ku haysa xaruunta Maamulka gobolka Hiiraan ayaa bar tilmaameedkisu ahaa odayaasha iyo u tartamayaasha xildhibaan oo halkaas ku basbeelay.
Xog aan soo shaac bixin ayaa sheegeysa in Xamar laga keenay qofka is qarxiyey iyo jaakadda uu xertayba, waana naxdin iyo amakaag in reer Hiiran oo ay gabadhoodii maqan tahay loogu daray meyadad kale. Maqaayada oo la ogaa inuu ka socday shir ay lahaayeen mid ka mid ah beelaha dega gobolka, ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, musharaxiin Xildhibaano, Wariyeyaal iyo dad kale oo shacab ah.
Tirada la halligay ayaa waxay gaareysaa 15 qof oo aan wax dembi ah galabsan iyadoo dhaawacyo kala daran ay soo gaareen 18 qof oo kale. Dambiga kaliya oo ay galeen dadkaan ayaa ahaa inay diidanayeen in xaqooda la boobo oo kuraastooda dad kale la siiyo ama ay ka ergeeyaan u dhalan jufada sida NISA oo uu wato Fahad Yasiin inay u codeeyaan una ergeeyaan.
Nabadoonna loo dilay sidee uga hadli kartaan boobka aan u imid waxaay kala ahaayeen:
- Qorane Axmed.
- Axmed Xusen Xiireey
- Maxamed Cismaan “Food Cade”.
- Axmed Duwane Siilaanyo
- Cabdirashiid Sheekh Cali oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii gobolka Hiiraan.
Sidoo kale waxaa naftooda la dhaafiyey:
- Maxamed Cabdullaahi Abtiyow oo ahaa Musharax Xildhibaan,
- Dayib Qorane oo ahaa Musharax Xldhibaan,
- Cabdiraxmaan Kenyaan oo ahaa guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Baledweyne,
- Mustaf Cabdirashid oo ka mid ahaa bahda Caafimaadka iyo dadkale oo aanan wali magacyadooda la helin.
Haddaba waa maxay sababta qaraxan maanta loogu soo beegay?
Waa caado ay leeyihiin kooxaha mukhaabaraadka iyo argagixisada kuwaas oo abuura xaalad degdeg ah si ay ujeedooyinkooda u gaaraan. Qaraxaan waxaa soo qorsheeyey Abu Camaar ayuu yiri in is qariyey kaas oo ah Fahad Yasiin. Ujeedada dhabta ahna waxay tahay inuu Fahad kursiga soo boobo inta dadka reer Baladweyne oo ay caawa masiibo u soo hoyatay ay tacsida iyo aasidda meydadka Mashquul ku yihiin, berrina la qabto doorasho beenaad.
Fahad waxaa xafiis iyo qolal jiif iyo Fadhi ah ay uga sameysay Xamdi Isaq oo shalay sii qabsatay xerada iyadoo wadata 2 tekniko ah, AMISOMna ay kor ka ilaalineyso.
Waxaa uu halkaas ka soo diray Fahad Yasiin Sawir uu dhoolla cadeynayo isagoo ku faraxsan inuu reer Hiiraan oo uu horay Ikraan uga dilay uu maanta daba dhigay 15 qof, 18na ka dhaawacay, kursigana uu berito ka soo qaadan doono si uu uga baxsado dambiyadaas oo dhan.
RW Dalka, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, haddii uu yahay qof damiir leh, daacadna ka ah waxa socda waa inuu degdeg u joojiyaa dhammaan doorashada Baladweyne oo loo soo raraa Jowhar si ay caddaalad ah ugu dhacdo lana soo qaadaa dadka xaqa u leh inay tartamaan iyo kuwa ergada saxda ah, haddii kale waxaa uu qeyb ka noqonayaa ujeedada dilaaga qarsoon ee Fahad Yasiin.