Fahad Yaasiin waxaa u roon inuu iska aamuso inta laga Illoobayo

Reading Time: 3 minutes

Guud ahaan waraaqda furan ee Fahad Yasin, la taliyihii, Aminigii la ogaa xaalkiisa , ee MW Farmajo uu u qoray R/W Xamza waxaa ka muuqatay:

  1. Eex uu abatiyaashiis uga eexday Masuulyiinta kale ee Soo maray hogaaminta Dalka oo u uku tilmaamay inay dalka duminayeen oo si Khasab ah looga qaaday xataa Kheyre oo uu isaga keensaday si uu ugu adeegto.
  2. Talo Jeenjeerta oo uu siiyey R/Wasaare Xamza, si uu qolooyin ugu hubantiyeeyo inuu RW Xamsa Halka uu rabo inuu si feeyo si maldahan oo ah inuu yahay nin sita qori dab leh oo loo dhiibay.

Aynu kala qaado oo labada qodob midba dhankiisa u abbaarno.

Qodobka hore : waxaa uu amaan iyo weyneyn kala dul dhacay odayaal uu abti ahaan isu xijinayey, Cumar cbadurashid iyo Maxamed Farmajo waxaanu ku kabay nin oday ah oo uu barax uga dhigay maadaama ay Farmajo isku dhowaayeen sugayeyna in maalin uun xafiiska MW Farmajo looga yeero waa RW Cali Maxamed Geedi oo RW laga dhigo.

Tusaale diirka ka qadaya eexda Fahad waxaa uu yahay hadlkaan xigashada  tooska ah “Mararka qaar wey isku dayeen(Waa odayaasha uu goonnida u amaanayo) iney abuuraan jawi baddali kara xaaladda oo xilka kusii hayn kara, laakiin kolkay ku adkaatay waxay go’aansadeen iney gaariga kaligood ka dagaan si tartiib ah, iyagoo ka fogaanaya inuu wada qallibm.”

Midkoodna si nabad ah ugama tagin xafiiskii loogu yeeray inuu u qabto umadda ee waa laga faramaroojiyey, waxaana loo xusi karaa mid mid wixii dhacay.

Dhinaca kale,  waa halka ay Somaliya masiibada xukun ku dhegga ah ka soo raacday taas oo ay caan ay ku noqdeen Farmajo iyo Candiweli sheekh Axmed, tolow ma dhaxal iyo u dhalshaa xukun ku dhegga, laakiin Saacid Shirdoon kuma jiro waa waayeel qarameed, kuwaas oo Fahad uu maanta rabo inuu naga dhaadhiciyo inay si fudud doonta uga dageen si aysan u qallibmin.

Farmaajo waxaa xoog uga qaaday xafiiska Yuweri Musefeni kadiba markii uu diiday inuu xukunka dhiibo, halka  uu leeyahay waa loo bannaan baxay waxaa agagaarka Beerta Darawiista iyo Dusiga 15ka May deggaan barakacayaal ay Cali Yare  iyo kooxdiisa u qeybiyeen lacag yar yar si ay usoo baxaan inkastoo markii damabana lacagtoodii lagala gooyey, taasina ay ka dhigteen Farmajo waa la jecel yahay.

Cabdiweli Golaha shacbiga ayaa isagana ka qaaday kadib markii uu diiday inuu dhiibo  intuusan qarankan bohol kala dhicin.

Qodobka labaad: Talada Fahad waxaa ka muuqata  aflagaaddo iyo liidnimo weyn oo uu hayo RW Xamza oo haddii si wanaagsan uu ula shaqeeyey MWXasan Sheekh uu agtiisa ka eedeysan yahay , haddii ay isqabtaana ku eedeysanaan doona.

Hadlka Fahad ee “Qoriga laguu dhiibtay inta ku hartay ee rasaas ah intaa u celiso ninkii iska lahaa, waliba si qurxan adigoo u sii dhaqay, si tartiib ah iridda uga siibo. Markaas kaddib, tolkaa, taladaa iyo tayadaa intaad isku darsato damacaaga usoo harjad. Hadaadse isku daydo kursi Madaxweyne baan si dhuumasho ku dafayaa, hortaaba la hollin waa ee bal tubta isku tashiga soo tijaabi

Qarankan iyo qoriga lagu ilaaliyo qof goonni uma laha ee qofka hayaa ayaa qaranka ugu adeega Xamsana waa taas hawsha u wadaa.

Fahad waxaa uu u muuqdaa nin wax ka raadinaya hawsha uu Xamsa hayo oo uu leeyahay war ka tag oo tolkaa u tag, Xamsana tolkii ma mooge oo guusha Somaliya ayey tolkii wax weyn ku heli karaan taasina Xamsa iyo Xasanba waxay u muuqdaan rag is dhaarsaday oo ka koray xelligii Shabaabna lala shaqeysan jiray shacbigana cunaha la qaban jiray.

Fahad waxba kama sheegin dowladdii uu dumiyey taloxumo iyo u turid la’aanta shacbiga xataa ninkii Abtiga u ah ee indha la’aanta u aaminay, waa Farmaajee wuxuu ka dhigay Tuke Cambaar leh oo mar dambe cidi ma aamini karto.

Haddii dalkaan ay cid dib u riday waa nidaamkii uu Fahad Milkiilaha ka ahaa, maanta qofna milkiile ma aha ee raggu waa talo wadaag ku shaqeeyaa sidaas sidaan ayaa ka wanagasan iyo kugu san adiga iyo kugu san adiga.

Tiri horumarka la gaaray Fahadow haddii uu damiir waddaniyeed kugu jiro, ogow garasho yari laguuguma xaman waxaasa laguu xantay daneysi iyo kalitelisnimo ah in la kala adkaado  iyo adiga oo aan ogeyn in Somali kala akaan weyday 30 sano iyo dheeraad.

Baddii oo la soo celiyey, Hawadii Somaliya oo la soo celiyey, shabaab oo la iska celiyey, dentii oo wax yar cafis u jirta iyo Xamar oo ah meel nabad ah  oo habeen walba shacbiga ayan laba shabaab oo midba shaar gooni ah wato wada dileyn.

Mudane Fahad Yasiin Xaji Daahir ama Fahad Axmed Dahir waxaa u qurux badan inuu iska maqnaado ilaa intalaga illoobayo ee maaha inuu dadkii uu xanuunka baday isa soo xusuusiyo.

Milkiile waxaan rabbi hayan waa mawd u joog, milkiilenimadii waa dhamaatay maanta waa walaalo is jecel oo isu kaalmeeya oo isla qabta oo isu hiilliya. Walaalaha kala caroodayna waxaa ku qumeysaa maahmaahdii ahayd “ Camal (caro loola jeedo) walaal Camanka Ma dhaafo” oo waxaana sax noqonaya hadalkii MW Xasan Sheekh ee ahaa cid walba oo is dagaashaa ugu dmabeyn wey heshiineysaa ee yaan lagu dul heshiinin qabuuraha.  Ismaandhaafka waa iidaanka siyaasadda ee Fahad sidaas ha ula socdo.