Fahad iyo Kheyre oo caawa kulan dheer kula jira Gudoomiye Mursal

Reading Time: < 1 minute

Waxaa hadda kulan albaabada u xiran yahay ka socda guriga Gudomoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal. Kulanka ayaa waxa uu dhex marayaa  Gudoomiye Mursal iyo RW Kheyre iyo Fahad Yasin oo wada socda. Kulanka hadda socda ayaa  waxa uu ka danbeeyay kulamo ay  Kheyre iyo Fahad horay ula qaateen MW Farmaajo.

Sida MOL loo xaqiijiyay MW Farmaajo ayaa ku gacan seyray qorsho ay labadaas nin wateen oo ahaa in dagaal lagu qaado Gudoomiye Mursal oo ay lacag ku bixiyaan in Mooshin Cusub  laga keeno.

Kheyre ayaa balan qaaday in uu soo  qancin doono Gudoomiye Mursal taasoo macnaheedu yahay in uu lacag ku iibsan doono Gudoomiyaha si uu u taageero qorshaha lagu kala diraayo Gudiga  Maaliyida iyo isla xisaabtanka ee Baarlamaanka.

Wixii ka soo baxa kulanka caawa gadaal ayaan idinkaga soo gudbin doonaa.