Runtii waa wax aad loola yaabo in laba shakhsi oo aan wax waadaniyad ah lahayn inay dalkaan markale gelin karaan dagaal sokeeye, iyadoo ay muuqdaan lana yaqaanno dhammaan caalaamadaha ka soo horeeya dagaalka sokeeye. Waxaa la maqlaa iyadoo la leeyahay dalkaan waxaa qar ka tuuraya Fahad iyo farmajo.
Fahad waa nin dhallinyaro oo ka dhasahy beelaha shanaad mid ka mid ah oo waliba aan aad uga dhex muuqan dagaalladii sokeeye. Fahad waa shakhsi isaga isa sameeyey oo aan lahayn cid uu ku tiirsaday, waana awood iyo nasiib is biirsaday. Xumaanta badan ee hadda loo tiiriyo cidi kama meyri karto ilaa inta isaga uu bannaanka yimaado oo uu wejiga saaro runta iskana meyro.
Fahad waxaa lagu wadaa ama uu ku socdaa khater ah inay cid kastaa colaad u qaaddo berrina uu bixiyo qiimo aad u weyn oo xataa keeni karta inay naftiisa khater gasho. Cid kastaa oo maanta la talisaana waxaa haboon inay u sheegto inuu u yahay shacbiga Somaliyeed badankood nin dilaa ah oo aan waxba cafinin ilaa wax waliba uu xoog ku qaato, qaba in la kala adkaado waliba colaad iyo naceyb u qaba beelaha Xamar iyo agagaarkeeda deggan. Fahad iyo Farmajo waxay qabaan in Beelaha Xamar deggan ilaa laga adkaado aan dalkaan la xukumi Karin. Laakiin waxaa labadoodaba ka maqan inay beelahan yihiin kuwa uu dalkuba ku jiro, waxay deggan halbowlaha dalka, waxay bixiyaan dhaammaan canshurta ay Fahad iyo Farmaajo ku adeegtaan, waxay aaminsan yihiin in dowladnimo kaliya uu dalkaan ku wada joogi karo ee haddii ay go’aansadaan dowladda inay lawareegaan saacado ku qaadan meyso tiradooda, degaankooda iyo tayadooda darted.
Fahad ma laha awood shakhsiyadeed ee waxaa uu ku adeegtaa hay’addii NISA oo Maxamed Cabdulaahi Farmajo uu gacanta u geliyey yirina u isticmaal sidii maleyshiya adiga kuu shaqeysha. Waa dhab in Fahad uu hay’adda u isticmaalay sidii maleyshia oo iyaga xataa uu dambiyeeyey oo haddii waqtiga saamaxo loo qabsan doono laguna maxkamadeyn doono dadka NISA ka tirsan fal dambiyeedyada aan sharciga waa faqsaneyn.
Dad badan oo masuuliyad dowladeed hayaa gaar ahaan hay’adda u saaxiibka ah awoodda sida ciidamada iyo garsoorayaasha waxay u muuqdaan inaysan fahmin mas’uuliyadooda iyo waxa ay la imaneyso. Cid kasta oo si khalad ah awoodda u istiicmaashaa sida uu hadda Sameynayo Fahad Yasiin iyo cidkasta oo fulisaa amar khaldan waxay qaadaneysaa masuuliyadda iyo cawaaqibka wixii dembi ah ee ka dhasahaa.
Ma jirto cid laga yeelayaa waa lay amray iyo sidaas ayaa lay faray anigana waan sameeyey . Ogow laguma fari karo amar khaldan haddii lagu farana ma fulin kartid. Taakiihda dib u raac xeerar caalami ah ayaa xataa qabanaya oo Somaliya oo kaliya maaha waxaa la yiraahdaa dambi ka soo horjeeda bani’aadaminimada (Crime agaist Humanity), waxaana lagu fuliyey madaxdii Jarmalka ee laayey dadkii Yuhudda ahaa intii u dhaxeysay labadii dagaal weyne ee dunida. Ilaa maanta xeerarkaas waa shaqeeyaan oo Rwanda, Liberiya iyo ex yuguslavia raggii dambiyada galay waa lagu fuliyey.
Haddaba MW Farmajo, Fahad iyo saraakiisha ciidanka waa inay naftooda ka fekeraan haddii ay fuliyaan dembiyo iyo gabood fallo ka dhan ah sahcbiga waxay keeneysaa in lagu qaado dembiyo bani’aadamka ka dhan ah.
Dhinaca kale dadku waa inay iska dhiciyaan cidkasta oo xuquuqdooda ku tumaneysaa bilowga horaba haddii kale waxay gaarayaan goor aan wax laga qaban Karin. Inta askari doqon ah oo bustoolad logu dhiibay inuu ammaanka ku ilaaliyo uu ku weeraro ciddii uu ammaankeeda sugayey waa khatar aan marnaba dulqaad loo yeelan Karin. Askarigaas waa inay wax ka qabataa ciddii soo dirtsatay haddii kale shacbiga ayaa gacmahooda wax uga qaban doona. Magaalada hub la’aan ma jirto ee waxbaa la xeerinayaa haddii ay dowladda xeeri weyso ma jirto sabab aan loogu qabsan oo loola qabsan qoriga, kadibna la marsiinin jidkii la marsiiyey kuwii ka awoodda badnaa.
Somaliya xoog laguma xukumi karo waqtigaas waa dhamaaday, waxaa kaliya ee lagu xukumi karaa waa is ogol waana sida ay tahay heshiiska bulsho oo ah heshiis ama qabdaraas u dhaxeeya xukumaha sharciga ah (dowlad) iyo la xukumaha (shacbiga). Fahad cid uu ka xoog badan dhinac kasta Xamar ma joogto ee wali waxbaa la dhowrayaa ee ha garto haddii kale wuxuu noqonayaa yool xabad lala tiigsado. Farmajo talada shacbiga ha u soo celiyo marka uu waqtiga dhamaado haddii kale ma jirto cid uu kaga xaq leeyahay Madaxtooyada, gaar ahaan Villada.
Dadka waxay u leeyihiin inay Bannaanbaxaaan, waxaana muqata inay garteen xaqaas, waana wax weyn. Muqaalkan ka daawo.