Shirar habeenadii u danbeeysay u socoday Farmaajo, Guudlaawe, Fahad iyo Yusuf Dabageed ayaa ugu danbeeyntii waxaa lagu heshiiyay in Guudlaaw, Yahad iyo Dabageed ay si wdajira uga shaqeeyaan soo saarida xildhibaano taageera Farmaajo.
Fahad iyo Farmaajo ayaa dhankooda doonayo inay Hirshabeelle u isticmaalaan fashilinta doorashada Aqalka Hoose. Waxaa lagu tashaday in doorashada sadax kursi la qabto kuraasta kalana la qabto horaanta sanadka danbe. Ujeedada ayaana ah in dowlad goboleedyada kale lagu eedeeyo in ay iyagu qaban waayeen doorashada. Waa qaab cusob oo uu Farmaajo doonayo in uu dib ugu dhigo doorashada isaga oo eeda iska leexinaayo.
Iyaga oo arimaha kor ku susan la taabagalinayo ayaa DG Hir-Shabeelle waxa lagu mashquuliyay n ay ku dhawaaqaan billaabashada Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Doorashada ayaa marka hore waxa uu Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Hir-Shabeelle shaacinayaa habraaca, waqtiga araaji-qabashada, shuruudaha lacag bixinta & Diyaarinta Ergada Beelaha leh kuraastaas.
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Dowlad-Goboleed Hir-Shabeelle ayaa diyaariyay goobaha loo asteeyay in ay ka dhacdo Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaana lagu wareejiyay Booliiska AMISOM & kuwa Dowlad-Goboleedkaas.
Hir-Shabeelle ma shaacin kuraasta ay ku daah-fureyso Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad balse marka la eego deegaan doorashada lagu bilaabo oo ah Jowhar waa kuraas laga leeyahay Shabeelaha Dhexe.
Doorashada Golaha Shacabka waxaa la qabtay 1-dii November 2021 waxaana lagu daah-furay kuraasta tirsigoodu yahay #HOP239 & #HOP237 oo ay ku kala guuleysteen Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ah Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka & Biixi Iimaan Cige.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal & Heer Dowlad-Goboleed ka dalbaday dadejinta Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS si loo xaqiijiyo ka gungaarista mas’uuliyadda ka saaran.