Fahad & Farmaajo oo markale jebiyay heshiiskii Doorashada ciidamana u diray B/Weyne

Reading Time: < 1 minute

Madaxwaynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ciidamada ay dowladda federaalka geysay Baledweyne ku tilmaamay mid “jabinaysa heshiisyadii doorashada”.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in tallaabadani ay tahay mid lagu “daandaansanayo” shacabka reer Baledweyne oo lagu qasbayo in ay hubka qaataan, islamarakna ay arrintan tahay dharbaaxo wajiga loga dhaftay rai’sul wasaare Rooble.

Madaxwaynihii hore ee Hirshabele Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraal uu so dhigay barta uu tweetar-ka ku leeyahay waxaa uu ugu baaqay rai’sul wasaare Maxamed Xuseen Rooble in in uu tallaabo qaado.