Fadhigii Golaha Shacabka oo Kooram la’aan u baaqday iyo xildhibaano Gunnada laga jarayo

Reading Time: < 1 minute

Fadhigii labaad ee kalfadhiga saddexaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u baaqday kooram la’aan, kadib markii ay kaliya xaadireen 103 xildhibaan, iyadoo 16 xildhibaan ay saxiixeen, iskana baxeen.

Guddoomiye ku xigeenka labaad C/llaahi Abshirow oo shirka guddoominayey ayaa amray xogheynta in la yeeriyo magacyada xildhibaannada ka maqan kulanka, isagoo sheegay in maanta laga bilaabo xildhibaannada kulanka jooga iyo kuwa maqan aysan isku xuquuq noqon doonin.

Abshirow ayaa ku goodiyay in kalfadhigan lala xisaabtami doono xildhibaannada, lana yeerin doono maalin kasta, iyadoo loo gudbin doono Guddiga Xeer hoosaadka, lagana jari doono Gunnadiisa. Kalfadhigan saddexaad ayuu sheegay inuu noqon doono wax ka bedelka Dastuurka KMG ah.

Xildhibaannada ugu badan ee maqan ayaa la sheegay inay yihiin xildhibaannada ka mida Golaha Wasiirada xukuumadda oo lagu eedeeyay inay yimaadaan markii ay jiraan kulamo xasaasi ah oo kaliya.

Fadhiyada Golaha Shacabka ayaa tirada ugu badan ee xaadirta fadhiyada caadiga ah ka badneyn 150 xildhibaan oo ah in ka yar kala bar, waxayna shirarkoodu furmaan Duhurtii iyadoo lagu ballamo 9:00 Subaxnimo.

Lama oga sida arrintan u saameyn doonto xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana la ogyahay in xildhibaanno badan ay saluugsan yihiin guddoonka Baarlamaanka oo kusoo koobmay Guddoomiye ku xigeenka labaad.

Sheekh Aadan Madoobe oo mararka qaar noqda ku-sime Madaxweyne, marna ku maqan safar, waxaana inta badan guddoonka to qaban oo Golaha Shacabka guddoomintiisa iska ilaalisa guddoomiye ku xigeenka koowaad Sacdiya Yaasiin.