MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminaayo aya galabta booqasho ku yimid magaalada Roma ee dalkan Talyaaniga.
MW Farmaajo ayaanan helin maamuus heer sare ah oo inta badan lagu soo dhaweeyo madaxweynayaasha caalamka ee yimaada dalkan Talyaaniga, waxaana madaarka uga hortagay madaxweynaha shaqaalaha safaaradda iyo saxaafadda Universal TV oo ay wehliyaan shaqaale hoose oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Talyaaniga.
Hab dhaqanka madaxweynaha markii uu arkay in aan la siin soo dhawentii uu filaayay aya waxa ay noqotay mid ka baxsan diblomaasiyada, waxaadna muuqaalka ka arkeysa isagoo u dhaqmaayo sida shaqsi ay saaxiibo soo booqdeen. Waxaad arkeysa MW Farmaajo oo ay la socoto marwadiisa haddana si aan anshax ahayn u salaamaya haween diin ahaan ajnabi ka ah in uu isku duubo.
[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=NwGL4TCDA6c[/embedyt]