Fadeexadda Safaaradda Somaliya ee Moosko oo lugaha la Gashay MW Farmajo iyo RW Kheyre.

Reading Time: 3 minutes

Sida runtu tahay Somaliya waxay ku jirtay xaalad Khater ah oo haddii MW Maxamed Cabdulahi Farmajo  aan dalkaan laga qaban lahayn maanta waxaa la joogi xaalad dalka oo dhan uu gacanta ka baxo ama rahaamad loo qaato.

Weli baaritaan laguma sameyn waxyaabaha foolxumada ah ka dhacay dalka gudihiisa oo waxay durbaba dowladii badashay tii Farmajo ku mashquushay shabaab oo halbolwlaha u galay  hay’ad waliba oo dalka ka jirta, taas oo u dhiganta oraahdii ahayd fallaarta salka kaga taal miyaan kaa gooya misa tan isha taas oo u uku jawaabay ninkii ay labada fallaarood ku yiilleen tan salka iga goo oo aan fadhiistee.

Waxaa beryahan baraha bulshada wareegayey waraaq la la leeyahay waxaa isku casilay safiirkii Somaliya uu Ruushka u dirsaday MW Farmajo; Xasan Cabdi Dauud Galool kaas oo halkaas loo geeyey ujeeddo gaar ah, aadna uga dhowaa MW Farmajo.

Danjiraha isma casilin ee waxaa uu ka hordagay shaqo ka eryid ku soo socotay kadib markii lagu helay waxyaabo yaableh oo uu ku jiray kuwaas oo la shageeyey inay ahayd sababta halkaas loo geeyey markii horaba, waxayna  saaxibo ku dhow ka soo wariyeen “Anigii hawshii la ii diray ayaan qabanayey, hawshaan waxaa ila ogaa madaxda sare ”

Danjire Xasan Galool waxaa lagu hayaa waxyaabo cabsi leh oo sharafdhac iyo dhibaato diblomasiyadeed u keeni kara dalka, iyadoo aan la ogeyn ilaa iyo inta uu dhaawaca la eg yahay iyo jawaabta dalka oo Ruushka oo hadda dagaal ku jiraa uu ka bixin doono.

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Ruushka waxay danjiraha ku eedeysay:

  1. La shaqeyn koox Mafia ah oo dalkaas ka jira, kuwaas oo ku adeegan jiray gawaarida xasaanadda leh ee safaaradda oo lagu kala daabuli jiray waxyaabo sharcidarro ah, una kala gooshi jiray dalka Ruushka dhexdiisa.
  2. Xubno Mafiyada Ruushka oo uu safiirka u sameeyey aqoonsiyo inay yihiin la taliyayaashiisa, kana tirsan yihiin Safaaradda Somalida kuwaas oo ku adeegan jiray gawaarida safaaradda iyo aqoonsiyadeeda.
  3. In dad badan uu u tahriibin jiray dalal kala duwan oo dunida ah isagoo u dalbayey visooyin iyo dal ku galyo aan sharci ahayn.
  4. Ganacsi uu kula jiray Mafiyada ruushka kaas oo ay ka soo gali jirtay lacag aad u badan.
  5. Waxaa uu danjiraha aad uga mshquulsanaa dhaqidda lacagah dollarka ah oo uu dalka Ruuska ka soo saari jiray lacago badan marka loo baahdana gelin jiray isagoo isticmaalaya xasaanadda iyo sharafta Safaaradda Somalida hakaas ku taalla ee uu Farmajo uga wakiilka ahaa.
  6. Waxaa uu faraha ka riday guryo iyo degaanno ay safaaradda lahayd, qaarna waxaa uu dejiyey kooxaha maafiyada ah, iyadoo waliba Wasaaradda Arrimaha DIbdda u dirtay lacag uu sheegay inay tahay deyn guryaha lagu leeahay.
  7. Shaqaalihii safaaradda oo uu ka soo reebtay hal wiil oo isaga u shqaqeeya, gancan yarena uga ah hawlahan khaterta ah iyo la dhaqanka kooxahaas Mafiyada ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliya waxaan wax badan kalama socon, haddii ay xan maqashana waxaa laga amrayey madaxtooyada oo uu Farmajo u joogay safiirka.

Kooxaha safiirka la xirtay waa kooxo qaarkood dembiilayaal ka ah dunida iyo dalka Ruushka gudihiisa, oo qaarkood waxaa xukuntay maxkamad dalkaas ku taalla.

Haddaba su’aasha taagan waxay tahay MW Farmajo iyo RW Xasan Cali kheyre sidee ayey uga baannaan yihiin arrimahan uu ninkaan soo waday ilaa maalintii Moosko la geeyey ilaa maanta? Meeqa safaaradooda ayaasa dadkii ay geysteen MW Farmaji iyo RW Kheyre ay hawlahan ka fuliyeen welina ku jiraan.

Dhinaca kale dowladdaan hadda joogtaa waxaa lagu eedi karaa dad badan oo ay dowladdii hore meeleysay ayey halkoodii u dhaafeen kuwaas oo qas iyo qalaanqal ka wada halkii ay joogeen, waan arrin u baahan in:

  1. In dib loo habeeyo dhammaan Safaaradaha aynu dibadda ku leenahay.
  2. Hogaamada Ciidamada oo u baahan kala hufid iyo la xisaabtan dhab ah.
  3. Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha iyo maareeyayaasha kaabayaasha dhaqaalaha iyo ammaanka oo u muuqda inay iska yeesheen xafiisyadooda.

Dalku waxaa uu u baahan yahay in dib u habeyn dhab ah lagu sameeyo si la isu waafajiyo xaaladda cusub ee uu dalku hadda galay, taas oo ah la dagaallanka Shabaab, hagaajinta maamulka dowliga ah si loo dhameystiro, dagaalka shabaab,  deyn xafinta, iyo dardargelinta adeegyada bulshada oo runtii baahi weyn loo qabo, iyadoo ay ugu horreyso magaalada caasimadda oo ah meel ay adag tahay in lagu noolaado in laga shaqeysto iska dhaafe.