Fadeexada safaarada Soomaalida & Canada oo qarka u saaran inay ceyriso safiirka (Q. 1aad)

Reading Time: 4 minutes

Bishii Oktoobar ee sanadkii la soo dhaafay Madaxweyne Farmaajo waxa uu safiir u magacaabay dalka Canada, oo kamida dalalka ay ku nool yihiin tirada ugu badan dadka Soomaalida marka laga reebo Soomaaliya. Sidoo kale waa dal ay dadka Soomaalida saameynweyn  ku leyihin dhanka ganacsiga iyo siyaasadda. Waxaana dalka Canada jagooyin isugu jira Wasiir iyo Xildhibaano ka haya  dad  ku abtirsada isirka Soomaalida.

Dowlada Canada ayaa in mudo ah waxa ay raadinaysay fursad ay ku taageerto dadka Soomaalida iyo dalka ay ka soo jeedaan.  Canada ayaa waxa ay dhaqaale malaayiin doolar ah  siisaa dalalka Geeska Afrika oo ay ku jiraan Itoobiya, Kenya, Ugandha, Tanzania, Ruwanda Burundi. Nasiib xumo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Canada  oo saameynt ku leh dalkaas, dowlada Canada waxa dhaqaale kuma taageerto dalka ay ka soo jeedaan ee Soomaaliya.

Sababaha ugu waaweyn ee arintaas salka ku haysa ayaana ah iyada oo ayan jirin hogaan Soomaliyeed oo  lagu aamini kari dhaqaalah Canada bixiso iyo safaarad Soomaaliyeed oo ka shaqeysa dhisida xiriirka labadada dal ee Soomaaliya iyo Canada.

Haddaba Madaxweye Farmaajo ayaa Safriirka Soomaaliya ee Canada u magacaabay    nin lagu magacaabo Xassan Dahir Dhimbil oo dhowr biloood ka hor ka soo goostay dalka la magac baxay Somaliland, halkaas uu ka hayay jago wasiirnimo ah.

Dowlada Canada oo baahi u qabto in ay xiriir wanaagsan la sameeyso dalka Soomaaliya iyo shacabkeeda, ayaa durbadiiba aqoonsatay Safiirka cusub iyada oo si deg deg ah uga gudoontay warqaaha aqoonsiga.   Ra’iisal Wasaaaraha dalka Canada Justin Trudeau oo cod ka rabay shacabka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale amray in safiirka cusub iyo qosykiisaba si deg deg ah  loo siiyo Visaha dal ku galka ah.

Musuqa Wasiirka Bayle iyo lacagta uu soo siiyay Safiirka cusub

Safiirka Farmaajo u soo magacaabay dalka Canada Xassan Dahir Dhimbil wax ay ehel hoose yihiin Wasiirka Maaliyada ee Dowlada Federaalka, Cabdiraxman Beyle .  Wasiir Beyle ayaa ku qanciyay Ra’iisal Wasaarihii hore  Xasan Cali Kheyre, ka dibna Farmaajo  in  ay Xasan Dahir Dhimbil loo magacaabo Safiirka Soomaaliya ee dalka Canada.

Farmaajo oo lagu yaqaano deg deg iyo in uusan ka fakarin  dadka uu mas’uuliyada u magacaabayo ayaa si deg deg ah u mgacaabay Xasan Dahir Dhibmil. Wasiir Beyle oo gacanta ku haya miisnaaniyada dalka ayaa Safiirka cusub waxa uu horay u soo siiyay lacag horumaris ah oo lagu sheegay sooryo iyo sahay.

Sida MOL loo xaqiijiyay, Wasiirka Maaliyada ayaa Safiirka cusub, oo ay ehel yihiin  soo siiyay lacag gaareysa $150,000 (Boqol iyo Konton Kun oo Doolar)  oo ah doolarka Maraykanka ah. Lacagtaan ayaa la siiyay Xasan Dhimbil iyada oo Safaradahii horay u shaqeeynayay,  shaqso  muhimana u hayay dalka Soomaaliya ayan helin wax lacag ah. Shaqalaha Safraaradaha qaar mushaar ma qaadanin in ku dhaw labo sano. Waa maxay sababta Wasiir Beyle u siiyay Safiirka cusub lacag intaas la’eg iyada oo aan safaaradiiba la furin?.

Qoyska Safiir Xasan Dahir Dhimbil iyo caqabadaha ka hor yimid

Safiirka ayaa waxa uu qabaa labo xaas, xaaskiisa koowaad  waxa ay joogtaa magaalada Hargeysa oo ay ku haysato caruur kor u dhaafaysa (8) sideed caruura halka  xaaskiisa labaadna ay  haysaa caruur ka badan 11 oo wiilal  u badan.

Safiirka oo doonayay in uu caruurtiisa keensado Canada si uu mustaqbal fiican ugu sameeyo ayuu ka codsaday dowlada Canada in ay diplomatic visa ay siiyaan dhamaan caruurtiisa iyo xaaskiisa. Dowlada Canada oo qiyaasaysa in safiirka uu mas’ruufi karo caruurtiisa ayaa VISA soo siisay dhamaan qoyska safiirka oo kor u dhaafaya  16 qofood.

Dadka aan haysanin dhalashada Canada ama degenaanshaha dalkaas aad ayay qaali ugu tahay in ay ku noolaadaan dalkaas. Halkii caruur ah waxbarashadiisa oo kali ah ayaa u baahan sanadkii lacag ku dhaw $50,000 (konton kun), hoyga, caafimaadka iyo maareynta nolosha ayaa ah mid u baahan lacag kor u dhaafysa boqolaal kun bishii. Su’aasha waxa ay tahay yaa bixinaya qarashka ku baxaya qoyska intaa la eg ee aan haysanin miisaaniyad joogto ah iyo tasiilaadka uu qoykaas u baahnaan karo.

Safiirka oo jabiyay sharciga dalka Canada  si uu caruurtiisa nolol  ugu helo

Safiirka ayaa tilaabadii u horreeysay oo uu qaaday waxa ay noqotay in qayb kamida lacagtii la soo siiyay uu guri qasri – weyn ah uu ku kiraysto, sababta oo ah sharciga dalka Canada ma ogolaanayo in  17 qof  oo ka kooban  hal qoys ay  kuwada noolaadaan guri afar qol ama shan qol ah, oo ah guryaha caadiga ee la kiraysan karo magalaada Ottawa.

Waxa uu sidoo kale uu iibsaday gaari uu caruurtiisa iskuulada ku geeyo ama reerkiisa ugu adeego.  Safiirka ayaa ka codsaday dowlada Canada in gaarigiisa  la siiyo taargada danjirayaasha, laakiin madaama uu isagu shaqsiyan u iibsaday gaariga, isla asaagana u yahay  darawalka gaariga dowlada Canada waa ay ka gaabsatay inay u aqoonsato baabuurkiisa mid diplomatic ah.  Sida ay inoo sheegeen ilo xog-ogaal ah Canada ayaa dib uga fiirsanaysaa go’aankoodii hore.

Gurigii safiirka oo laga dhigtay xaruntii safaaradda?

Safiirkii Farmaajo soo magacaabay ayaa gurigii  reerakiisa uu la daganaa ka dhigay xaruntii safaarada Soomaaliya isaga oo qoraalo uu qoray ku sheegay in safaarada ay tahay aqalkii uu horay u kiraystay. Waxa uu sameeystay business card kaas oo ku sheegay  in safaraadda ku taal gurigiisa.

Dowlada Canada, gaar ahaan ciidanka Booliiska  oo ka warhelay talaabada sharci darada ah ee uu qaaday Xasan Dahir Dhibil, ayaa si dahsoon uga digtay in uusan gurigiisa sida gaar ah u kiraysan uusan ka dhigin karin safaaradda dalka Soomaaliya. Talabadaan  uu qaaday safiirka ayaa waxa ay yaab iyo amakaag ku riday wasaarada arimaha dibada ee dalka Canada.

Waxaa iyagana dareemay karaamo daro iyo ceeb, dadka Soomaalida  ah ee ka shaqeeya Wasaaradda Arimaha Dibabada Canada (Global Affairs Canada)  kuwaas oo mas’uuliyado kala duwan ka haya wasaaradda Dadkaas ayaa isku dayay in ay  ka gilgishaan ceebta ay safaraadda Soomaliada dhex fadihiso laakiin aysan jirin wax ay ka qaban karaan, madaama ninka Safiirka loo soo magacaabay u yahay shaqsi aan xishoon.

Caruurta safiirka oo cisbitaalo lagu geeyay waraaqo been abuur ah

Madaama safiirka cusub uusan haysanin dhaqaale uu caruurtiisa ku geeyo cisbitaalo,  amaba uusan ku jirin ceymis, waxa uu bilaabay in uu isticmaalo waraaqaha aqoonsiga caruur ay isku beel ka soo jedaan oo ku dhaqan magalada Ottawa. Arintaan ayaana waxaa ka warheshay dowlada Canada, waxaana hada socda baaritaan iyo dabagal ay sameeyeen ciidanka Boolisiska  iyo hay’addaha kale ay quseyso.

La soco qaybta labaad maalmaha soo socda:

Qaybta labaad waxaa idinkuugu soo gudbin doonaa;  Waraaqaha aqoonsiga  iyo lacagaha la doonayo in laga sameeyo dadka qaxootiga ah; safaraadii oo laga dhigay Cabdallla shideeyo lagu daabaco waraaqaha aqoonsiga been abuurka ah;  magaca Safaarada oo noqtay madal loogu adeego maamulka Somaliland; qunsulkii Farmaajo soo magacaabay oo loo diiday in uu soo galo Canada iyo sababta loogu diiday iyo qaybo kale.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!