Fadeexada furitaanka Aqalka Sare ee Baarlabaanka Federaalka

Reading Time: 2 minutes

Fadeexadda Furitaanka Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalkka Soomaaliya

Waxaa fadeexo, damiir xumo, iyo garasho xumo ah inaan 2019 markhaati ka noqonno dhaqan xumada lagu burburinayo nidaamka dowladnimo ee shacabka Soomaaliyeed guddoonsaday 2012, dhaqan xumadaasoo ah
in Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya furo Ra’iisul Wasaare Xassan Kheire. Tallaabada maanta dhacday waxay xaqiijineysa in Madaxweyne Farmaajo go’aansaday inuusan dhowrin dastuurka KMG iyo Nidaamka dowladeed ee shacabka Soomaaliyeed ku heshiiyeen.

Barlamaanka Ingiriska waxaa fura Boqorada, mana dhici karto in Ra’iisul Wasaaraha furo. Madaxweyne Farmaajo wuxuu u bareeray inuusan dhowrin dastuurka iyo nidaamka dimoqradiga ah ee soomaalidu dooratay.

Sababta dhaqan xumaadahaas waxay tahay in Xilka Madaxweynaha JFS iyo Xilka Ra’iisul Wasaaraha la isku daray oo laga dhigay hal xil. Waxaan ku waafaqsan Xildhibaan Iftin Xassan Baasto oo sheegay in Ra’iisul Wasaare Kheire furo Aqalka Sare ay tahay kufsi dastuurka KMG iyo ku tumashada nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya.

Furitaanka Aqalka Sare waa xil dastuuri ah ee la siiyay Madaxweynaha JFS oo ah Madaxa Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha JFS uma wakiilan karo xilkiisa Ra’iisul Wasaaraha Golaha Wasiiradda oo hoos yimaada Ilaalinta Barlamaanka Federaalka Soomaaliya – Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Waxaa caqli xumo ah in la rumeysto in Madax aan ixtimaareyn dastuurka KMG, Shuruucda dalka, iyo nidaamka dowladeed ee lagu heshiiyay inay dadka iyo dalka Soomaaliya gaarsiin karaan midnimo, nabadgelyo, iyo horumar dhaqaale. Waxaa kaloo nasiib darro ah in Xubnaha Aqalka Sare dhegeystaan khudbado aan ku habbooneyn xilkooda, karamadooda, iyo munaasabadda furitaanka Aqalka Sare.

Waxay aheyd khalad weyn in Guddoomiyaha Aqalka Sare Xildhibaan Cabdi Xaashi oggolaato in Ra’iisul Wasaaraha furo kalfadhiga Aqalka Sare 2019. Haddii Madaxweyne Farmaajo ku guuldareystay inuu fuliyo ballanqaadkii uu sameeyay Caleema saarkii Madaxweynaha Puntland Sicid Cabdullahi Deni oo ahaa inuu wax ka qaban doono khilaafka dhexyaal labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka ka hor furintaanka kaldhiyadooda, ayna dhacday inuu Golaha Shacabka gooni u furo, Guddoomiye Cabdi Xaashi waxaa la gudbooneyd inuu asagu furo kaldfadiga Barlamaanka 2019.

Dr. Maxamud M Culusow