Iyado dhawaan la magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed aya waxa dhacday xaflad xil wareejin aheyd oo taliyaha cusub ee ciidamka biilska Bashiir Cabdi Maxamad Ameeriko xilka kula waregayay aya waxa wax lala yaabo noqotay in Hal warqad oo lagu so koobay hoosha ciidanka booliska soomaaliyeed lagu kala waregay.
Ciidanka booliska soomaaliyeed oo ka mid ah lamaha amaanka ee dalka in xil warejintisu noqoto hal warqad aya la micno ah in aysan jiran wax la qabtay madama hooshi ciidanka lagu so kobay halkaasi warqad,sidoo kale waxa halkaasi ka muuqata in wax yabaha halkaasi ka muuqda ay tusaleynayan in halkaasi warqad oo qura ay horyaalan taliska cusub ee Booliska.
Inkastoo dhaliilo xoogan lo jediyay shaqsiyadka dhawan la magacaabay ee lamaha amaanka dalka,hadana dadka siyaasada iyo arimaha ciidanka wax ka garanaya waxa ay shegayn in arintani ay tahay arin Fadeexo ah lona baahna in wax muuqda laso bandhigo.
Waxa ay shaki xoogan galiyeen shaqsiyaadka dowlada u magacawday lamahan cusub iyado dowladu ay wax kuso xusho qaab laabla kac ah iyo nin jecleeysi waana dhaqan baal marsan nidaamka dowlad nimo.
Soomaalidu qeybaheeda kala duwan aya arintaan sido kale ku maadeysanayay waxa ayna noqotay mid loogu shaah cabo goobaha la isku yimaado.