Shiikh Shariif ayaa shalay ka sameeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade fadeexad iyo been abuur keenay inay ka falceliyaan dadkii uu ku sameeyay been abuurka magacodana uu sida qaldan u isticmaalay.
Shalay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ka soo degay koox xildhibaano ah oo ka soo qeybgalay doorashadii ka dhacday magaalada Baledweyne. Waxa ay ka so degeen diyaarad rakaab ah oo ka timid magalaadda Baladweyne.
Waxa isna saacadaa diyaarad ka soo degay Shiikh Sharif oo ka yimid dalka dibadiisa. Labada dhinac ayaa isku waqti yimid garoonka. Kooxdii Shiikh Sharif la socotay ayaa waxa ay ka codsadeen xidhibaanada ka yimid Baladweyne in ay salamaan Shiikh Sharif maadaama uu isna xiligaas diyaarad ka soo degay.
Iyaga oo qadarinayo codsiga madaxweynihii hiore ayaa ay Xildhibanadaas waxa ay halkaas ku salaameen Shiikh Sharif madmaama ay si kadis ah isugu arkeen garoonka diyaaradaha Adan Cade.
kooxdii Shiikh Sharif la socotay waxa ay sawir qarsoodi ah oo kadis ah kawada qaadeen Shiikh Sharif iyo xildhibaanadii uu sida kadis ah uu uga kula kulmay Garoonka diyaaradaha Aaadan.
Sawirkaas oo aan lagala tashan xildhibanadii laga qaaday ayaa barta Internetka la soo galiyay. Shiikh Sharif ayaa sheegtay inay xildhibaanada la sawiran ugu yimaadeen Garoonka Diyaaradaha si ay isaga u soo dhaweeyaan .Waxa uu kale uu sheegtay in ay xildhibaanadaas ka tirsan yihiin Xisbiga Himilo Qaran, taas oo been ah.
Xildhibanaadii ayaa sawiradooda ka arkay baraha bulshada. Waxa ay ka caroodeen been abuurka uu ka sameeyay Shiikh Shariif. Waxa ayna ku tilmameen in uusan ahayn qof heshooda, mas’uuliyad dal iyo dadna aan lagu aamni karin.
“.. xaqiiqdii ma aqaan waxa ku qasbi karo Shiikh Sharif in uu nagu been abuurto oo sawiradeena ka been sheego. Ninkaas Garoonka diyaaradaha ayaan si kadis ah isugu aragnay.. tii buuna doonaayay in uu sidii kaarna uu na marsado laakiin kheyr kama heli doono” Sidaas waxa yiri Cabdiraxman Gurey oo kamida xildhibaanadaas sawirkooda lagu been abuurtay.
Xildhibaan ayaa isna yiri “nin wadaad sheeganaya in uu nagu been abuurto, ma aqaan in aan xataa aan ku aamini karo codkeyga. Tanina waxa ay kuu muujineysaa in dalkaan uu jabay.. hadiiba Shiikhii iyo kuwa hogaanka soo hayay ay been iyo quraafaad iyo qiyaano ku dhaqmayaan.. walaahi dalkaan ilaah baa u maqan”.