Bishii Oktoobar ee sanadkaan waxa Hay’adda Danbi Baarsita ee dalka Mareykanka ee loo yaqaano FBI iyo hay’adaha la mataanaha ee dalalka Koonfur Afrika iyo Nigeria ay gacana ku soo dhagiy burcadda (Gangs) ka soo jeeda dalka Nigeria ee loo yaqaano NBM ama Black Axe.
Kooxdaan oo lagu yaqaano iibinta daroogada, dilalka qorsheysan iyo ka ganacsiga dadka ayaa waxaa saldhigoodu yahay dalka Nigeria. Waxa ay leeyihiin dhaqaale aad u fara badan oo gaaraya boqolaal Milyan oo ah lacagta Maraykana, waxa ayna ka howlagalaan wadamo badan oo ay u badan yihiin dalal ku yaala Yurub iyo Afrika.
Kooxdaan ayaa waxa ay gacan saar la leedahay qaar kamida siyaasiinta dalka Nigeria iyo kooxaha bucadda ah ee saameynta ku leh ganacsiga sharci darada ah ee ka jira dalka Nigeria.
Safaarada Soomaaliya ee ka furan dalka Nigeria, safiirna uu ka yahay ninka lagu magacaabo Jamal Baroow ayaa waxa ay noqotay xarun ay isticmaalaan qaar kamida burcaddda ugu waaweyn ee ka howlgala magaalooyinka waaweyn dalka Nigeria. Safaraada Soomaaliya ayaa loo isticmaalaa dhoofinta iyo keenista walxaha maandooriyayaasha iyo ka ganacsiga dadka.
Saafaradda ayaan lahayn wax xafiis ah ama hooy rasmi ah oo ay ku hawlgasho. Sida ay sheegtay Wasaarada Arimaha Dibadda ee dalka Nigeria , saafaarada ayaa waxa ay ka shaqeeya oo kali ah hal nin oo ah safiirka Somalia ee dalka Nigeria kaasoo lagu magacaabo Jamaal Baroow. Ma jiro shaqaale Soomaali ah oo si toos ah uga howlgala safaraadda. Su’aasha waxay tahay? Maxaa diiday in diblomaasiyiin Soomaliyeed ay ka shaqeeyaan safaarada?.
Shaqada safaarada ayaa waxa wada oo kali ah shaqsiyaad ajnabi ah oo u maamula waxa lagu sheegay “howl-maalmeedka Safaaradda”. Waxa gabi ahaanba laga ilaaliyay in shaqada safaarada ay qabtaan dad Soomaali ah oo bixin kara xogta shaqada u gaarka safiirka ee ka socoto safaarada.
Kooxaha Burcadda ah ayaa bixiya dhaqaalaha safaarada ku baxa. Waxa ay bixiyaan ijaarka xafiiska safaarada oo aanba la aqoon meesha ay ku yaalo. Safaraaadda ayaa dhowrkii biloodba waxa ay u guurtaa degaan cusub ha noqdo guriga safiirka ama xafiiska Safaaradda. Ma jirto cid aragta ama la kulanta safaaradda?.
Ka dib markii la ogaaday in safaaradda Soomaaliya noqotay goob loo adeegsado ficilo sharci daro ah oo ay ku jiraan iibinta daroogada, isticmaalka koontiyada safaraada ku leedahay bangiyada dalka Nigeria, iyo isticmaalka magaca safaarada taas oo loo isticmalayo arimo la xiriira danbiyo dad dilal loo geystay ayaa FBI-da Mareykanka iyo Sirdoonka Galbeedka Afrika ay si wadajira u bilaabeen baaritaan la xiriira danbiyada ka dhex socda safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Nigeria.
Warar ay heshay MOL ayaa sheegaya in safaaradda ay gabi ahaanba la wareegeen kooxaha Black Axe ama Neo Black Movement of Africa (NBM). Baaritaankaan oo in mudo ah socday ayaa Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Nigeria la wadaagtay dowlada Soomaaliya baarintaanka socda, laakiin dowlada Soomaaliya way ka gaabsatay ayaa ku amartay in Safiirka Nigeria Jamal Barrow uu dalka dib ugu soo laabto.
Idaacada BBC qayteeda loo yaqaano Eye Africa ayaa dhawaan soo saartay barmaajika loogu magac daray “ The Black Axe”, kaas oo lagu soo bandhigay qaabka ay u shaqeeyaan Black Axe Cult iyo saaameyntooda.
Waxaa nasiib xumo ah in Safaaradii Soomaaliya ee Nigeria ay noqotay xarun loo isticmaalo in lagu fuliyo fal dambiyeeydo? Waxaa lama huraan ah in Wasaaradda Arimaha Dibada ee Soomaaliya ay si deg deg baaritaan ugu sameeyso safaraadda isla markaana ay ka jawaabto codsiyadda kaga yimid sirdoonka dalka Koonfur Africa iyo Nigeria.
Waxa sidoo kale lama huraan ah in shacabka Soomaaliyeed loo sheego sababta keentay in safaraadii Soomaaliya oo wakiil ka ahayd dadka iyo dowlada Soomaaliya ayan joogin shaqaale Soomaali ah. Ma jiro wasiir ama madax Soomaaliyeed ee soo booqatay safaraadda ama taqaan meesha ay safaarada ku taalo. Sidoo kale waxa gabi ahaanba aan shaqeeynin dhamaan aalaha isgaarsiinta ee safaraada oo magac ahaan u jira sida barata bulshada.
Waxaa bishii Luulyo ee sanadka 2021 safar ku tagay dalka Nigeria Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaa safarkaan soo qaban qaabiyay Safiirka Soomaaliya Jamal Bariow oo ka soo jeeda degaanka Koonfur Galbeed. Lafta Gareen ayaa waxa laga soo siiyay dalkaas lacag lahgu sheegay sooryo oo aan la shaacin cadadeeda? Lacagta ayaa soo siiiyay Lafta Gareen? Maxaa looga badashay? Su’aalahaas iyo su’aalo kale ayaa u bahaan in jawaab buuxda laga baxiyo.
Waxaa sidoo kale booqasho aan la shaacin ku tagay dalka Nigeria Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yasin halkaasoo uu ku sugnaa muddo seddex maalmood ah sida aay ogaatay MOL. Waxaa sidoo kale jira in baaritaanka lagu wado Safaaradda uu qeyb ka yahay Fahad Yasin iyo Agaasime ku xigeenka Villa Somalia Cabdinur Maxamed.
Dowlada Somaliland ayaa dhawaan gacanta ku dhigtay koox ka soo jeeda burcadda Black Axe iyo NBM iyaga oo lacag been abuur ah ka sameeynaya gudaha dalka la magac baxay Somaliland. Dimiilayaashaas ayaa dhawaan maxkamad la soo saari doonaa. Wali ma cada doorka ay Safaaradda Soomaaliya ay ku lahayd safarka kooxaha burcada ah ee lagu qabtay Somaliland.
Waxa sidoo kale ka howlaga magaalaada Muqdisho kooxo lamida kuwa lagu qabtay Somaliland. Sida MOL xogta ku heshay kooxa soo galay Soomaaliya ayaa waxa Safarkooda soo fududeeysay safaraadda Soomaaliya.
Farmaajo ayaa intii uu madaxweynaha ka ahaa dalka Soomaaliya waxa gabi ahaamba lagu tuntay sharaftii iyo magacii umadda Soomaaliyeed. Safaaradaha qaar oo dhaqaale dari la soo daristay ayaana bilaabay in ku ganacsadaan maga shacabka iyo dowlada Soomaaliya.