Fadeexad ku soo baxday Maamulka G/Banaadir & Ciyaartii Xalay baaqatay{AQRISO}

Reading Time: < 1 minute

Ciyaartii u dhaxeysay degmooyinka Waaberi iyo Dharkeenleey ayaa baaqatay sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.

Cayaarta ayaa lagu waday in ay ka dhacdo garoonka kubadda cagta ee Eng Yariisoow Stadium sababaha baaqashada ciyaarta waxaa ugu wayn in tagtay korantadii garoonka.

Boqolaal dad weyne ah oo kala yimid degmooyinka Muqdisho ayaa soo ku sugnaa Garoonka oo ka naxay Warka ah in ay baaqatay Cayaarta.

Korontada ayaa soo laabatay ku dhawaad Hal saac ka dib laakiin sababo amni ayay Mas’uuliyiinta Garoonka walaac uga muujiyeen bilaabashada Cayaarta.

arrintaan oo si weyn looga hadal hayo baraha Bulshada ayaa u muuqata mid fadeexad ku ah maamulka Gobolka Banaadir Mas’uuliyiinta ciyaaraha Federaalka iyo gobolka intaba.