Saafarada Soomalaiya ee dalka Ingiriiska oo ahayd in habeen danbe in laga furo magalaada Lodon ayaa waxaa hareereeyay isqab-qabsi u dhaxeeya qaban qaabiyayasha xaflada furitaanka Safaraada dhexdooda oo hal dhinac ah iyo Wasaarada Arimaha Dibada ee Soomaaliya oo dhinaca kale ah.
Safiirka Safaaradda Soomaaliya, Mudane Cabdulqadir Axmad Kheyr oo uu horay u soo magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ehel hoosana la ah Fahad Yasin ayaa waxa uu qorsheynayay in safaaradda ay yeelato goob ama xafiis ay ku shaqeeyso madaama safiirka uu ahaa shaqsi maqayadaha ku qaabila dadka.
Dhanka kale, Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa ku wargaliyay Safiirka in la baajiyo furitaanka safaraada ilamaa amar danbe ay ka helayaan Wasaaradda Arimaha Dibadda.
Safiirka iyo koox isaga la shaqeeyso ayaa dhankooda ku adkeystay in habeen danbe ay furayaan safaraadda, go’aanka lagu furaaya waxaa iska leh Safiirka ayay ku doodeen, Wasaradda Arimaha Dibanda shaqo kumala xaflada iyo cida ka soo qaybgalaysa.
Dhanka kale dad soo qabanqabiyaya furitaanka Safaarada ayaa dhankooda ku kala qaybsamay furitaanka safaraadda halka qaar ay ku doodayaan in safaraada la furo halka qaar kalana ay ku doodayaan in aramka Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaliya loo hogaansamo oo dib loo dhigo furitaanka Safaraadda.
Dowlada Ingiriiska ayaa ka warheshay khilaafkaas, waxa ayna go;’aan ku gartay in ayanka qaybgalin xaflada furitaanka, isla markaana ay si toos ah ula xiriirto Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya.
Wali waxa aan cadeyn in Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya oo markisii hore lagala tashaday furitaanka safraada uu wax ka og yahay amarka ka yimid Cali Balcad, ama isagaba uu yahay shaqsi aan awood u lahaynin inuu wax ku kordhiyo xaalada cakiran ee ka jirta London.