Waxaa isa soo tareysa fadeexad ka dhalatay lacag la sheegay inay ku baxday dhismaha Wasaraadda Qorsheynta ee Puntland oo uu dhawaan xariga ka jaray Saciid Deni.
MW Deni ayaa sheegtay in lacagta ku baxaday dhsimaha Wasaaradda ay bixisay dowlada Puntland, arintaan ayaa waxa ka daba hadlay Bangiga Aduunka qaybtiisa Soomaaliya oo sheegatay in ay iyadu bixisay lacagta ku baxday dhismaha wasaaradda.
Waxaa dad badan isweydiinayaan qaabka ay ku baxday lacagta uu sheegtay Deni iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Abgaaloow in lagu dhisay Wasaaradda. Waxaa jira xog sheegeysa in lacag loo itsicmaankay Ololaha Deni lagu qoray in ay ku baxday dhismaha Wasaaradda. Taas oo lagu tilmaami karo musuq-maasuq lagu dhacay hantida shacabka reer Puntland.
Ficilkaan oo ay ka falcelisay Bangiga Aduunka ayaa waxa uu Saciid Deni isku dayay inuu ka sheeqyay inay xogtaan banaanka u soo bixin isaga oo bilaabay in laga ilaaliyo in ay warbaahinta xurta ka hadlaan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Bangiga Aduunka uu qoraal uu u soo qoray Saciid Deni laga codsaday in uu soo cadeeyo meesha ay ka baxday lacagta loo qorsheeyay dhismaha Wasaraada mar hadii hadii uu isagu sheegtay in qasnada dowlada laga bixiyay lacagta lagu dhisaty wasaaradda.
Waxaa muuqata inay ka jirin Puntland isla xisaabtan iyo is xisaabin, waxaana Qasnada dowlada sidii uu doona u isticmala Saciid Deni iyo Wasiirkiisa Abgaaloow.Baarlamaankiina waxa uu noqday aalad ka shaqeysa danaha gaarka ee Saciid Deni.