Fadeexad ka dhalatay dhul la dhacay & Beelaha Sacad iyo Ceyr oo qarka u saaran dagaal 

Reading Time: 4 minutes

Labadii asbuuc  ee la soo dhaafay waxaa magalaada Muqdisho ka socday  wadahadalo u socday beeleha Sacad iyo Ceyr ee Habargedir kaas oo lagu doonayay in lagu damiyo xiisad colaadeed oo ka dhalatay dhul shacab  laga dhacay oo ay si wada jira u sheegteen in uu uga  dhaxeeyo Ra’iisal Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble iyo mid kamida la taliyayaashisa gaar ah oo lagu magacaabo Cabdicasis Ashkir.

Sida ay MOL u xaqiijiyeen ilo ku dhaw labada dhinac, waxa lagu guuldareeystay in xal laga gaaro hantida ay isku heystaan labada nin ee ka soo kala jeeda beelaha Sacad iyo Ceyr.

Maxaa la isku haystaa?

Afar boos oo ku yaalo deegaanka ka soo horjeeda garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade, kuna beegan dhanka galbeed oo markiisii hore si sharci daro lagu boobay dad shacab ah ayaa waxaa markiisii  hore lagu qoray ama sheegtay in uu lahaa la taliyaha Ra’iisal Wasaarihii hore  Rooble, ninkaas oo  lagu magacaabo Cabdicasis Abshir.  Rooble ayaa ku doodaya in isaga iyo Cabdicasis Ashkir ay si wada jira ugu heshiiyeen in dhulkaas ay si wadajira u kala qeybsadaan iyada oo ninkiiba ay ku soo aadeyso labo boos.

Heshiiska Labada Dhinac

Rooble ayaa inta uu xilka hayay waxa uu kula heshiiyay Cabdicasis Ashkir in dhulka labo boos kamida uu  Rooble qaato halka labada kalana ay u harto Cabdicasis Ashkir.

Rooble ayaa kula heshiiyay Cabdicasis Ashkir in lacag lagu sheegay $950,000 laga siin doono miisaaniyada xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble intii uu xilka hayay. Lacagtaasna loo isticmaalo in lagu dhisho afarta boos. Cabdicasisna dhankiisa laga naasnuujiyo xafiiska Ra’iisal Wasaare iyo qasnada dowlada.

Qaabkee  lacagta looga boobay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha?

Ra’iisal  Wasaare Rooble iyo lataliye Cabdicasis Ashkir ayaa isla gartay in lacagta la dhacayo ay ka timaado labo qoondo oo aan la ogaan karin ama  aan ladaba gali karin:

1) Qoondo laga jaraayo lacagaha uu Ra’iisal Wasaare Rooble ku sheegto in uu safar ku aadayo, tusaale, hadii uu safarka u qaadanayo lacag  jiscin ama pocket-money, waxaa lacagtaas laga isticmaalayaa in ka yar boqolkiiba 10%, tusaale hadii Ra’iisal Wasaare Rooble qaadanayo $200,000, waxa safarka lagu isticmaalayaa $10,000 oo kali ah,  halka $190,000 ee soo hartaana lagu wareejin jiray Lataliye Cabdicasis Ashkir. Safarkastaa ee uu Rooble u baxo waxaa ku wehlin jiray Cabdicasis Ashkir si uu lacagtaas ula wareego. 2) In Miisaaniyada iyo lacagaha laga qaado ganacsatada ama wadamada qaar ay u bixiyaan sooryo iyadana  lagu waajiyo Cabdicasis Ashkir, una hayo RW Rooble.

Sida ay MOL u xaqiijiyeen howlwadeena arintaan xog’ogaalka u ah, lacagaha laga aruuryay safarada iyo xafiiska Rooble waxa ay kor u dhaafeen in ka badan $1.7 Milyan Doolar.

Maxaa dhaliyay in la isku dagaalo lacagta iyo dhulka la dhacay?

Maxamed Xuseen Rooble ayaa sadax asbuuc ka hor waxa uu isku dayay in uu dhisto dhulka labada boos ee uu horay ugu qornaa Cabdicasis Abshir. Boos kamida waxa uu  Rooble u qorsheeyay in uu hoyadii, iyo (qoyskii isaga soo koriyay) uga dhiso Villada ugu qorxoon Soomaaliya, guriga kalana uu isaga dhisto.

Laakiin waxa arintaas ka horyimid Cabsicasis Ashkir oo sheegay in Rooble looga baahan yahay in uu marka hore  bixiyo lacag gaareysa $950,000 oo ah qiimaha lagu qiimeeyay labada boos.

Rooble ayaa ka biyo diiday bixinta lacagtaas isaga oo sheegay in lacagtii laga dhacay xafiiskiisa iyo tii dowlada ee uu horay u hayay Cabdicasis Ashkir uu u qaato inay tahay lacagta uu dhalka ku iibsaday.

Lacagta lawada dhacay dhul laguma iibsan karo

Lataliye Cabdicasis Abshir ayaa ku doodaya in lacagta laga dhacay xafiiska Rooble ama qasnada dowlada Federaalka ay isaga iyo Rooble si wadajira u qaybsan jireen ,sidaas darteedna uusan waxa lacag ah u haynin Rooble.

Waxa uuna  ku doodayaa in uusan waxa lacag ah u haynin Rooble, wixii dowlada laga dhacayna qofkastaa wixii ka soo gaaray ay isaga gaar u tahay.

Rooble oo isku dayay in uu awood istcimaalo

Asbuucyadii la soo dhaafay ayaa Rooble waxa uu degaanka dhulka ku yiilay uu geeystay katarabiilo dhulka lagu qodaayo  madaama uu doonayo in uu dabaq hoose uu ka dhiso dhulka hoostiisa.   Cabdicasis  Abshkir oo ka soo jeedo beesha reer Ayaanle Ceyr ayaa isna keensaday baabuur teknikal ah oo aad u hubyesan isaga oo ku goodiyay inuu dagaal ku qaadayo Rooble iyo cida la socoto hadii ay isku dayaan in ay dhulkiisa dhismo ka bilaabaan.

Mahad Salad iyo Ganacsatada Beesha Ceyr oo soo faragaliyay

Maxamed Xuseen Rooble ayaa u dacwooday  Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Salad kaas oo ehel hoose la ah Cabdicasis  Abshkir. Mahad Salaad ayaa ka codsaday Cabdicasis Ashkir  in uu u  ogolaado Rooble inuu  ka bilaabo dhismo labada boos arimaha lacagatana dib looga heshiiyo.

Cabdicasis Ashkir ayaa ka biyo diiday arinkaas isaga oo sheegay in uusan marnaba ogolaanynin in hantidiisa uu dhacao Maxamed Xuseen Rooble. Waxa uuna wacad ku maray inuu ciidan diyaarsaday uu kula dagaalo Rooble, hadii uu isku dayo in uu dhiso booskaas.

Dhanka kale waxa iyagana isku dayay inay arintaan soo dhex galaan ganacsatada beesha Ceyr oo ay ku jiraan Maxamed Deelaaf, Xuseen Goleey iyo qaar kala iyaga oo doonayay in  la dajiyo xaalada, si hoose arintaan loo dhaqo. Waxa ayna ku doodeen in fadeexada ka dhalataa murankaan ay galfan doonto dad badan, laakiin waa ay ku guuldareysteen.

Beelaha Sacad iyo Ceyr oo isku biro tumanaya

Waxaa muuqata in arintii faraha ka baxday, Beesha Ceyr ayaa ka codsaday beesha Sacad ee uu ka soo jeedo Rooblein  ay la taliyalaan Rooble arintaan boobka uu wadana uu joojiyo.

Dhanka kale beesha Sacad ayaa ku goodisay inay diyaar u yihiin inay difaacaaan dhulka uu sheegaty Rooble, hadii xitaa ay tageyso in ay ciidan geeyaan wadada jaayga si ay u difacaan  hantida uu xaqa u leeyahay  wiilkooda Rooble.

Gebogebo,

Hogaanka dhaqanka ee beelaha Sacad iyo Ceyr, gaar ahaan reer Ayaanle  ayaa maanta oo  jimca ha u balansan inay markale isku dayaan in xal laga gaaro cida milkiilaha u noqonaysao dhulka laga dhacay shacabka Soomaaliyeed, iyo sida laga yeelayo lacagta lagu dhacay magaca xafiiska Ra’iisal Wasaraha ee Rooble ku doodayo in laga dhacay.

Wixii ku soo kordha muranka ka dhashay dhulka ku yaalo xaafada Jaayga  gadaal ayaan idinka soo gudbin doonaa.