Fadeexad ka dhacday safaarada Soomaaliya ee Kenya & Tarzan oo eedeeyey M C/risaaq

Reading Time: < 1 minute

Waxaa fadeexad ka dhacday Safaarada Soomaaliya ee Kenya taas oo keentay in Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo eedeyey Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Cabdrisaaq qabyaalad iyo qaran dubims. Wasiir Maxamed C/risaaq Maxamuud iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa shalay hadallo kulul isku weydaarsaday Khadka Taleefanka.

Khilaafkaan ayaa yimid ka dib markii Tarsan oo Musharax u ah Kursi Xildhibaan Aqalka Sare, haddana ku sugan Magaalada Jowhar uu shaqadii Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya uga soo tagay, Nin lagu magacaabo Cumar, ahna Xoghayaha labaad ee Safaaradda(Second Secretary), kana soo jeeda Beesha Abgaal/Wacaysle.

Warka ayaa intaas ku darsay  in shalay galinkii hore uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya oo jooga Magaalada Nairobi, waxaa Dacwo u gudbiyay, Safiir Ku Xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya, laguna magacaabo Xabiib, kana soo jeeda Beesha Mariixaan, adeerna uu yahay Farmaajo. Waxa uu Wasiirka u sheegay, in Shaqadii uu isaga xaqa u lahaa Sharci ahaan la siiyay Qof isaga ka hooseeya Darajo ahaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda waxa uu la hadlay, Ambassador Tarsan, waxa uuna faray, in Shaqada Safaaradda uu u dhiibo Safiir Ku Xigeenka. Ambassador Tarsan, waxa uu diiday Amarka Wasiirka, waxa uuna ku adkeystay Go’aankiisii hore. Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya, waxa uu Galabta ka dhoofay Magaalada Nairobi, waxa uuna u dhoofay, Magaalada Qaahira ee Dalka Masar, si uu uga qeyb galo, Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Ururka Jaamacadda Carabta oo Berri ka furmaya Magaalada Qaahira.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!