(Fadeexad) Dowlada Soomaaliya oo si dadban u aqoonsatay Somaliland? Maxa xigi doona?

Reading Time: < 1 minute

Dowladihii dalka Soomaaliya isaga danbeeyay waxa ay dhamaantood qaateen siyaasad ay ku ilaalinayeen midnimada iyo jiritaanka qaranimada Soomaaliya. Waxa ayna caalamka ku qanciyeen inay ilaaliyaan midnimada Soomaaliya oo aan la aqoonsan Somaliland.

Dhamaan caalamka ayaa iska fogeeyay talaaba kastaa ee keeni kartaa in Somaliland dal loo aqoonsado. Mararka qaar Soomaaliya waxa ay taageeradaa ku badalan jirtay iyadana oo ka fogaato inay aqoonsato qowmiyadaha sheegta inay dowlad yihiin.

Hadaba Wasiir Arimaha dibada ee Soomaaliya Cabdi sacid Muse  ayaa waxa uu gabi ahaanba ceel ku riday siyaasadii lagu difaacyay midnimada Soomaaliya, waxa ayna si dadban u aqoonsatay jirtaanka iyo madaxbanaanida dalka la magac baxay Somaliland.

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxa uu kulan  la qaatay Wasiirka Arimahda Dibada ee dalka la magac baxay Kosovo Donika Gërvalla-Schwarz, isaga oo sheegay in Soomaaliya aqoon santahay dalka Kosovo.

Talaabadan waxa ay keeni doontaa in qaar kamida wadamada la isku yiraahdo Balkans ay dhawaan dhankooda qaabilaan oo aqoonsadaan dalka la magac baxay Somaliland.

Talaabada uu qaaday CabdiSaciid waxa ay la mid tahay in iyada oo dowlada Serbia ama Croatia  ay la kulmeen oo ay aqoonsadeen dalka la magac baxay Somaliland.

Waxaa jirta cabsi ah in dalalka  Macedonia, Serbia, Croatia ay martiqaad u fidiyaan dalka la magac baxay Somaliland iyda looga jawaabyo talaabada uu qaaday Cabisaciid. Waxaa nasiib xumo ah  in dalkii Soomaaliya in uu noqday xarun ay ku ciyaaraan caruur aan waxa mas’uuliyad ah dareemaynin.