(Fadeexad) Dalal shisheeye oo filimo qarsoodi ah ka duubay Wasiir Axmad Cawad

Reading Time: 2 minutes

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Soomaaliya Axmad Cise Cawad oo in ka yar labo sano hayay mas’uuliyadda Wasaarada Arimaha Dibadda ayaa lugaha la galay barnaamijyo khatar ku ah jirtaanka iyo danaha Umadda Soomaaliyeed. Sida MOL ay horaantii sanadkii tagay idin soo gudbisay Wasiirka ayaa dhaqaalaha uu u isticmaalo sida gaar ah uu ka qaato wadamo shisheeye oo dano ka leh dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa looga yaqaanaa hay’yadaha uu la shaqeeyo sida Urur Gaboleedka IGAD iyo Jaamacada Carabta magaca Mr. Womeniser” oo macnaheedu tahay waa nin naagaha, gaar ahaan gabdhaha yar yar la tunta, meel kastaa oo uu joogo.

Sarkaal ka tirsan safaraadda Koonfur Africa ku leedahay dalka Itoobiya ayaa  u sheegay qaar ka mida Dublamaasiyiinta ka soo jeeda Bariga Africa ee ka hawl gala magalaada Addis Ababba in Wasiir Cawad uu horay isku dayay in uu si ka baxsan anshaxa ula dhaqmay Wsiirka Xiriirka Caalamiga  ee dalka Koonfur Afrika Lindiwe Sisulu,  ka dib markii isaga oo aan lagu martiqaadin uu qolka wasiirada ay ka daganayd hotelka Hilton ee magalaada Addis Ababa uu toos u soo galay. Sirdoonka safaarada Koonfur Africa ay si xoog ah uga soo saaray Hotelka Wasiirada.

Dhacdadan ka dib ayaa dowlada Koonfiur Afrika waxa qoraal gaar ah  u dirtay dowlada Soomaaliya iyada oo ashtako ka ah xadgudubka uu gaystay Wasiir Cawad. Lama ogo in qoraalkaas la gaarsiiyay Madaxweyne Farmaajo amaba loo jawaabay dowlada Koonfur Afrika.

MOL ayaa  waxaa loo xaqiijyay in Sirdoonka dalka Kenya ay ka duubeen filimo qarsoodi ah Wasiir Cawad oo ku sugan hotelka ka mida hoteelada ku yaala Magaalada Nairobi isaga oo la tumanaya gabdho yar yar oo isugu jira  Soomaali iyo Kenyaan. Filimadaan ayaan la ogaynin nooca ay yihiin iyo dhaawaca ay u keeni doonaan sharafta umadda Soomaaliyeed.

Dowlada  Kenya ayaa waxa ay qabtaa sirdoonka ugu cad cad sirdoonaddaa ka jira qaarada Afrika. Dowlada Kenya oo ay Soomaaliya kala dhaxeeyso colaad siyaasadeed iyo muran siyaasadeed ayaa waxaan shaki ku jirin in ay sawirada nocaas  ah u istcimaali doonto in ay danaheeda gaarka ka gaarto Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirka ayaa habeenkii sanadka cusub  ee asbuucii hore waxa uu ka  qayb-galay xafalado dhowr ah oo lagu soo dhaweynayay sanadka cusub. Xafladahaas markii ay dhamaadeen  ka dib ayaa Wasiirka waxa Hotelkiisa loogu geeyay gabdho yar yar oo la joogay qolkiisa ilaa xili danbe ee subaxdii Arbaca  ee bisha Janaayo  ahayd Janaayo 1-deeda.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!