Fadeexad Ceelwaaq: Gud. Doorashada oo Gudoomiyo K/xigeenkisii shahaado siinaya!

Reading Time: < 1 minute

Waxaa shalay  ka dhacay magalaada Ceelwaaq  fedeexadii ugu xumayd ee soo marta doorashada Soomaaliya. Iyada oo shacabka Soomaaliyeed uu ka dharagsan yahay in musuq-maasuq baahay uu hareereeyay doorashooyinka dalka ayaa hadana Axmad Madoobe waxa uu gaarsiiyay musuqa heerkii ugu liita,  uguna foosha xumaa.

Gudigii Doorashada ee loo igmaday inay maamulaan doorashada ayaa waxaa ay ka mid noqdeen ergadii iyo musharaxiintii ku tartameysay doorashada. Axmad Madoobe oo ka tagay xishoodka ayaa waxa uu xildhibaan ka dhigay  Gudoomiye ku xigeenkii doorashada  Jubbaland isaga oo wali haya mas’uuliyadii gudoomiye ku xigeenka.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Siyad Maxamed Mursal ayaa waxa uu gudoonsiiyay shahaadada doorashada Gudoomiye ku xigeenkiisii  Cabdulqadir Maxamuud Dhaqane (Jeylani), kaas oo haya jagadii gudoomiye ku xigeenka.

Ficilkaan uu ku dhaqaaqay Axmad Madoobe ayaa waxa uu saa saameyn weyn ku yeeshay wixii ka dhacay Ceelwaaq,  waxa uuna dhaawac weyn gaarsiyay geedi-socodka doorashooyinka.  Waxaana shaki ku jirin in tani keeni doonto in beesha Caalamka  ka aamusto foolxumida ka dhacday Ceelwaaq.