Faarax Macallin oo mar soo noqday ku xigeenka Guddoomiyah Baarlabaanka Kenya ayaa sheegay in Soomaaliya ay manta u baahan tahay hoggaamiye dila 100 kun si loo helo dowladnimo.
Faarax Macallin ayaa sheegay “Waxaa is heysto waa Habar Gidir oo rabta in aanay dowladnimo dhalan, iyo Axmed Madoobe oo raba in uu xoog ku haysto guri uusan lahayn” Isagoo ula jeeda maamulka Jubbaland.
Faarax Macallin oo ka mid ah dadka aadka ula taliya MW. Farmaajo aya hadalkiisa waxa uu ku soo aaday iyadoo ay magaalada Baydhabo ka socoto xasuuq Shacab oo lagu dilay dad kor u dhaafay 30 seddexdii maalmood ee ugu danbeeysay.
Waxaa dadbadani aaminsan yihiin in MW. Farmaajo uu qabo feker la mid ah midka Faarax Macallin oo rabo in uu dad badan xasuuqo si uu xukunka xoog ugu haysto, balse waxaa Faarax & Farmaajo aanay ogeyn in xilligaan aanay lahayn awoodda ay isbidyaan isla markaana aanay waxba u qaban doonin Itoobiya & Eriteriya oo ah labada dal ay isku halleynayaan.
Halkan ka daawo muuqaalka Faarax Macallin.