Faarax Macalin oo Waji-gabax iyo Liidmo kala Kulmay R/wasaare Kheeyre

Reading Time: < 1 minute

Kheyre ayaa diiday inuu la kulmo Siyaasiga Faarax Macalin oo ku sugan Muqdisho waxaana uu labo Mar tagay Xafiiska Kheyre balse Kheyre uu fariin ugu soo faray inuusan hayn waqti.

Saaka ayaa u dambaysay oo uu Faarax Macalin tagay Xafiiska Kheyre balse la qaabili waayey inkastoo habeen hore markii uu la kulmay Farmaajo kadib uu si toos ah u soo aaday dhinaca Kheyre balse la qaabili waayey.

Faarax Macalin ayaa Muqdisho u jooga sidii dagaal siyaasadeed xilka looga qaadayo Axmed Madoobe u bilaabi lahaa arinkassoo uu wado Farmaajo.

Hasa yeeshee hawsha ay wada wadaan Farmaajo iyo Faarax Macalin waxaan la tilmaami karin doorka uu ku leeyahay Kheyre bacdamaa uu iska diidayo la kulanka Faarax Macalin